Advertisements

Shirka Madaxda Midowga Afrika iyo Yurub oo maanta lagu soo gabagabeynayo magaalada Tripoli ee dalka Libya.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

Madaxda dalalka Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee kulanka uuga socda dalka Libiya ayaa maanta horyaala Ajando ku saabsan arimaha Soomaaliya oo ay ka doodi doonaan.

Magaalada Tripoli ee Caasimadda wadanka Libiya shalay ka furmay kulan madaxeedka u dhaxeeya Madxda dalalka ku jira qaaradaha Afrika iyo Yurub kulankaasi oo maanta lagu wado in la soo gabagabeynayo.

Sida lagu soo warramaya waxaa dowladda KMG Soomaaliya uga qayb galay Wafdi uu  hogaaminaya Ra’iisul wasaare ku xigeenka 1’aad ee dowladda KMG Soomaaliya ahna Wasiirka wasaaradda arimaha dibadda Max’ed C/laahi Oomaar, iyadoo sidoo kale kulankaasi uu ka qayb galayo wafdi uu Hogaaminayo Ambasaddor Nuur Xasan Xuseen ( Nuur Cade ) oo ah danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaaradda Yurub ee saldhigna u ah wadanka Talyaaniga.

Madaxdii isugu tagtay Kulankaas ayaa waxay shalayka wada hadleen arrimo dhowr ah oo khuseeya Qaaradda Afrika, iyadoo maanta la faliyo in ajandaha ugu wayn kulankaasi horyaala ee laga doodi doono ay noqon doonto arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale  waxaa maanta kulankaas looga hadli doonaa xaaladda muragsan ee Soomaaliya, waxana ka mid ah nabadgalyada, dowladda wanaaga, Xuquuqda Aadanaha iyo taageeridda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku kala firdhisan dalalka Caalamka iyo qaabkii looga hortagi lahaa in dadka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkooda ay dalka ka qaxaan islamarkaana loogu samayn lahaa Mashaariic ay ka mid tahay shaqooyin ay dalka ugu nagaadaan.

Waxaa kaloo la soo sheegay in Wafuuda shirkaas ka qeyb galay ee ka kala socda dalalka Qaaradaha Afrika iyo Yurub ayaa waxaa ay kala wataan Ajandayaal ku aadan dalalkooda iyo qaabka ay u rabaan in shirkaasi loo maareeyo.

Si kasta ha ahaatee Shirka noocan ahi  ayaa waxa uu yahay shir sanadeed ay yeeshaan Madaxda qaaradda Afrika iyo Yurub, iyadoo kulankaani ay ka qeyb galayaan inta badan Madaxda dalalkaasi marka laga reebo Mas’uuliyiin faro ku tiris ah oo samayn ku leh wadamadooda sida Madaxweyne Suudaan Cumar Xasan Albashiir kaasi oo ka baaqsaday ka qeyb galgka kulankaasi maadaama dalka lagu qabanayo ee Libiya ay ka mid tahay dalalka saxiixay axdiga lagu dhisay Maxkamadda ICC, taasi oo denbi dagaal ku soo oogtay Madaxweyne Cumar Xasan Albashiir.

SomaliSwiss Tripoli

SomaliSwiss@hotmail.com


Advertisements
%d bloggers like this: