Advertisements

Reer Hiiraan oo ka cabanaya Lacago aysan bixin karin oo ay Xarakada Al-Shabaab ka doonayso.

Halkaan ka akhri

Dadka ku nool Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan iyo nawaaxigeeda, kuwa Baabuurta Safarka ah wata ee ku mara ayay kasoo yeeraysay Mudooyinkaan dambe cabasho aad u daran markii Xarakada Al-Shabaab ay kusoo rogeen dadku inay bixiyaan lacago kala duwan oo loo yeelay magacyo aan isku mid ahayn, isla markaasna qof kasta u saamaynaya si gooniya.

Dadka Ganacsatada ah ayaa ka cabanaya in lawaydiiyo lacago loogu yeeray Taakulaynta Mujaahidiinta iyo Zeko oo aysan awoodooda lahayn, iyadoo haddii ay diidaanna bixinta lacagahaasna loo hanjabo ama hantida lagala wareego, sida ay SomaliSwiss u sheegeen dad kala duwan oo ku nool gobolka, kuwaas oo aan ka gaabsannay inaan shegno magacyadooda, sababo la xiriira amaankooda.

Markii laga soo tago dadka deggan magaalada waxaa jira, sidoo kale qaylo kasoo yeeraysa dadka xoolo dhaqatada ah oo ka cabanaya in lawaydiistay lacago fara badan oo lagu sheegay Zeko, waxayna ka cabanayaan in lacagaha la waydiinayo aysan awoodin bixintooda, iyadoo dadka qaarkood xusayaan in dadka qaar aysan Zeko kuwaajibin laga dalbaday lacag Zeko ah, halka kuwa kalena laga dalbaday Zeko, taakulayn Ciidan iyo inay sidoo kale keenaan Wiilal dagaalamma.

Gaadiidka safarka ah ayaa lagu soo rogay, in halkii Gaari ee ah nuuca xamuulka qaada uu bixiyo lacag gaaraysa $100 Doollar, iyadoo ay waajib ku tahay inuu bixiyo, haddii uusan bixinna darawalku lacagtaasi uu lakulmayo inuu qabto sharciga Xarakada oo lagu xukumo ugu yaraan ganaax lacageed iyo xarig, halka dadka qaarkiisna ay macquul tahay in naftooda la gooyo ama qatar gasho.

Cabashada nuucaan ah ayaa hore uga soo yeeraysay in muddo ah gobollada Jubooyinka, iyo Labada Shabeelle, iyadoo dadka qaarkiis ay bilaabeen inay isaga hayaamaan meelo ka mid ah, Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe, kuwaas oo kusoo qulqulaya magaalada Muqdisho, iyagoo badankood kasoo cararay Xarakada Al-shabaab iyo maleeshiyaadka Xisbiga Xasan Daahir Aweys oo ay dadku sheegayaan in loola dhaqmayo siyaabo aan macquul ahayn.

Si kastaba ha noqotee, Waxaa soo muuqanaysay waqtiyadii lasoo dhaafay, Cabasho aan kala joogsi lahayn oo kasoo yeeraysa meelaha ay maamulaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Xisbiga oo dadwaynaha caadiga ah ay quus ka joogaan, sida laga dareemayo deeganadaas.

SomaliSwiss Beledweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: