Advertisements

Wasiirka Gaashaandhigga oo sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo Ciidamada Dowladda si ay u xaqiijiyaan Ammaanka guud ee Dalka.

Halkaan ka akhri

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka KMG-ka ee soomaaliya ahna R/Wasaare Ku Xigeenka Mudane C/Xakiin Maxmuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo Ciidamada Dowladda si ay u xaqiijiyaan Ammaanka guud ee Dalka. Wuxuuna intaa ku daray  inay jiraan Ciidamo Tabobaran, Kuwo aan tabobarneyn iyo Kuwo diyaar u ah Tabobar inay qaataan, kuwaasoo  ku sugan gudaha dalka, wuxuuna tilmaamay Wasiirku inay ku dadaali doonaan sidii Ciidamada loo siin lahaa Xuquuqdooda si ay wax uga qabtaan xaaladda ammaan darri ee ka jirta Wadanka.
Sidoo kale Wasiirku wuxuu caddeeyey in Xukuumaddu ku howlan tahay sidii ay u sameyn laheyd aasaas looga gudbi karo Mashaakilaadka ka jira Soomaaliya, taasoo la rajeynayo in muddo gaaban lagu hirgeliyo.
Sida aad la socotaan waxaa Xukuumadda cusub ay ballan qaaday dhawaantan inay ahmiyadda Koowad ka dhigeyso Daryeelka Ciidamada qalabka sida, si ay uga taqalusaan kooxaha dagaallada ka wada dalka, ayadoo hadafku yahay in la helo xaalad ammaan, waxaana tallaabadan soo dhaweeyay Shacabka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
SomaliSwiss    Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Advertisements
%d bloggers like this: