Advertisements

Ururka Ahlu Sunna oo Xukuumadda KMG Soomaaliya ka codsaday in gacan lagu siiyo la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay Taliska Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Ahlusunna ay ka codsatay Xukuumadda KMG Soomaaliya sidii gacan loogu siin lahaa  la dagaalanka Xarakada AL Shabaab iyo Xisbul Islaam.Taliyaha howlgalada Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Yoonis Cali Jabaan ee gobolka Banaadir oo la hadlayey warbaahinta ka howlgesha magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ay soo dhawaynayaan Wasiirada uu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Farmaajo islamarkaana ay ansixiyeen Mudanayaasha barlamanka KMG Soomaaliya.

Sidoo kaleTaliyaha wuxuu sheegay in ay la shaqayn doonaan Xukuumadda cusub haddii ay yihiin Ahlu Sunna islamarkaana ay diyaar u yihiin in dowladda KMG Soomaaliya ay lagarab istaagaan lagaalanka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam garabka Sheekh Xasan Daahir Aways sida uu tilmamay.

Dhanka kale Taliyaha howlgalada Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Yoonis Cali Jabaan ayaa waxaa uu ka codsaday  Xukuumadda cusub ee Ra’iisul wasaare Farmaajo in la dardar geliyo howlgellada ciidamada booliska iyo kuwa Milartariga si wax loogu qabto xaaladda dalka Soomaaliya, waxaana uu hadalkiisa raaciyay in Ahlu Sunna ay qeyb ka tahay howlgal kasta oo wax loogu qabanayo magaalada Muqdisho.

Si kasta ha ahaatee Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin Ururada hubaysan ee tageera dowladda KMG Soomaaliya iyadoo magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya ay kula dagaalamaan dhinacyada ka soo horjeeda dowladda KMG.

SomaliSwiss    Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: