Shacabka dalka Switzerland oo HAA ugu codeeyey Tarxiilidda Ajaanibta dembiyada galay, xittaa haddii ay haystaan dhalashada Swiss-ka.

HOOS KA DAAWO SAWIRO KALE

Halkaan ka akhri

 

Codabixintii  loo ballansanaa ee Aftida loogu qaadayey Bulshada dalka Switzerland ayaa shalay oo taariikhda  ahayd ka dhacday dhammaan Kantoonada dalkan Switzerland, aftidan ayaa waxay ku saabsaneed in la tarxiilo dadka Ajaanibka ah  ee ku dhaqan dalkan swisska , xattaa haddii uu qaato dhalashada waddankan.

Sidaas darteed hindisahan ayaa waxaa taageeray  inta badan ee bulshada Swisska, fikraddan ooay wateen Axsaabta  Midigta Fog  ah, gaar ahaab Xisbiga Midowga Dimoqradiyada dhexe ( UDC) ayaa qaba in dadka denbiyada gala ay u badan yihiin dadka Ajaanibka ah, sidaas awgeed looma baahna inay dalka ay sii joogin.

Hase yeeshee dadka ka soo horjeeda Handisahan waxay qabaan in tarxiilkan aysan ka yerayn doonin danbiyada dalka Switzerland, hase ahaatee Hindisahan oo laba qodob ahaa ayaa midka hore waxaa HAA ugu codeeyey boqolkiiba 53% dadka codka xaqa ah leh, hase yeeshee qodobka kale ayaa waxaa si hoose HAA ugu codeeyey Boqolkiiba 47%, labadan qodob ayaa si gooni gooni ah loogu codeeyey.

Haddaba haddii uu hindisahan hirgalo waxaa la soo saari doonaa Sharci cusub oo ah qofkii gala denbiyada Culus sida ka ganacsida Maandooriyaasha, Dilka iyo wixii la mid ah, ay keeni karto in qofka ajaanibka laga ceshado dhalashada  Switzerland, kadibna dalka laga dhoofin doono, xaqna uma laha inuu racfaan ka qaato xukunka ku dhacay qofkaas.

Hase yeeshee dadka ka soo horjeeda sharcigan ayaa waxay leeyihiin suurta gal ma ahan in lagu dhaqmo sharcigan, waayo haddii qof ku dhashay wadanka Swisska, balse markiisii hore uu ka soo jeeday dadka Ajaanibka oo loo tarxiilo waddanka uu ka soo jeedo, taasi ma ahan wax ceqli gal ah.

Dhanka kale Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ee wadamada reer yurub ayaa gebi ahaan si aad ah uga soo horjeystay  dhaqangelinta sharcigan, sidoo kale dadyowga  laga tira badan yahay ee dalkan Switzerland ayaa iyaguna ka soo horjeysteen Sharcigan oo caro xoog badan ka muujiyeen markii ay arkeen Boorar ay ku Sawiran yihiin  waxyaabo lagu Aflagaadeynayo dadka Ajaaninka ah.

Waxaa kaloo haindisahan ka soo horjeystay Ururka Midowga Yurub oo sheegay in arrinta dhacday ay tahay mid gebi ahaan raali laga noqon karin,  balse uu Midowga Yurub uu ka fiirsanayo Tallaabadii uu ka qaadi laha ee ku habboon Codbixintan. Sidoo kale waxaa Codbixintan si caddaan ah uga soo horjeystay Bulshada Swisska ee ku dhaqan Wadamada Caalamka, waxayna  dhacdadan ka muujiyeen walaac xooggan.

SomaliSwiss   Zürich

SoamliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: