Advertisements

Muuqaalka guud iyo Sawiradii laga qaaday Kooxdii iibsatay iyo kuwii laga iibiyay Domain-ka dalka Soomaaliya. (Sawiradii xilwareejinta).

Halkaan ka akhri

Domainkii Soomaaliya ee lagu wareejiyay Shirkadda Japan-ka ah oo looga qaatay lacag fara badan ayay iska kaashadeen 4 qofood oo xilal ka hayay wasaaraddii Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya,  Qaarkoodna hadda loo magacaabay Wasiiro, kuwaas oo siyaabo kala duwan ugu lug lahaa iibintii iyo xil wareejintii .SO ee shirkadda JAPAN lagula wareejiyay Domain-ka.

Baaritaan ay samaysay SomaliSwiss ayay ku ogaatay in xil wareejinta Domainkaas oo muddo socotay isla markaana soo martay qaabab kala duwan ay iska kaashadeen isla markaasna gacan ka gaysteen afar qofood oo kala ah, C/Risaaq Jurile oo ahaa wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta sanadihii lasoo dhaafay iyo 3 qof oo kale oo hadda loo magacaabay wasiirro.

Shirkadda maamusha Internetka Caalamka ee loo yaqaan IANA Internet Assigned Numbers Authority ayaa sheegtay inay masuuliyadda domainka ku wareejisay wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya markii ay hubisay ka dib, wuxuuna wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Jurile wakiishay oo uxilsaaray howshaas dhamaynteeda Axmad Maxamad Aden oo ahaa xoghayaha joogatada ah ee wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta iyo Lataliyaha dhinaca ICT ee wasaaradda Maxamad Aden Ibraahim, iyadoo ugu dambaystiina uu confirm gareeyay qalinkana kusii duugay C/Kariim Xasan Jaamac oo ahaa madaxa sare ee shaqaalaha madaxtooyada iyo xubin sare ka mid ah masuuliyiinta Boostadaiyo iyo isgaarsiinta isgaarsiinta Soomaaliya, wuxuuna nin kastaahi ka qaatay qayb muhiim ah hirgelinta howshaas oo soo socotay ilaa iyo 2006-dii.

Somali Domain ama dot SO hadda suuqa ayay ku jirtaa waxaana laga qaadaa qofkii doonaya inuu iska rajiistar gareeyo 15 doollar oo ay ka qaadato shirkadda japanka ah ee gacanta loo geliyay oo iyadu maamuli doonta inta uu u dhamaanayo contaracti-ga looga iibsaday.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: