Masjidkii uu ku tukan jiray wiilkii Soomaaliga ahaa ee qarxin rabay Munaasbaddii Portland oo la gubay.

HOOS KA DAAWO SAWIRA KALE

Halkaan ka akhri

Masjidka Salman Alfaris ee Portland

Masaajidka Salman Alfaris Islamic Center oo ku yaala magaalada Portland ee dalka Markeynka oo uu ku dukan jiray Maxamed Cusmaan Maxamuud oo maraykanku u xireen inuu qarax samayn rabay ayaa la gubay.

Salman Alfaris Islamic Center

Masaajidkan ayaa dabka la qabadsiiyey habeen barkii dhexe ee xalay, lamana hayo warbixin rasmiya oo cadaynaysa cidda ka dambaysay falkaas, iyadoo uu wali socoda baaritaan.

Imaamka Masjidka Yuusuf Wanly

Imaamka Masaajidka oo la yiraahdo Yuusuf Wanly ayaa iska fogeeyey falka lagu eedeeyey wiilkan Soomaaliyeed wuxuuna ku tilmaamay falal ka soo horjeeda diinta Islaamka.

Imaam Yusuf ayaa sheegay in Mohamuud uusan si joogta ah ugu tukan jirin masaajidkan, laakin uu imaan jiray bishiiba.

Dabkan la qabadsiiyey masaajidka ayaa ku ekaa hal qol iyo xafiis halkaas uu  si ba’an u baabiyey, mana jiraan wax dhimasho ama dhaawac ah oo nafeed.

Saxaafadda dalka Maraykanka iyo TV-yada qaarkood ayaa ku qulqulaya goobta xaruntaas si ay uga soo tebiyaan warar isla markaasna waraysi ula yeeshaan imaamka masjidkaas ee uu ku dukan jiray wiilka Soomaaliga ee Argagixisanimada loo xiray.

SomaliSwiss USA

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: