Advertisements

Madaxweyne Faroole oo maanta Shirkad shidaalka Baarta heshiis kula saxiixday Dalka Kuwait.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa maanta Heshiis shidaal qodis ah dalka Kuwait kula saxiixday Shirkad laga leeyahay dalka Kuwait oo uu doonayo inay shidaal ka baaris iyo qodis ku samayso gobolada Maamulka Puntland.

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo ilo muhiim ah oo ku dhow Maamulka Madaweynaha Puntland ayaa sheegaya in Shirkadaan Kuweyti-ga ah oo saamiga ugu badan ay iska leedahay Haweeney Shiicada Kuwat ah   uu heshiiskaas kula saxiixday Maanta magaalada Kuweyt, wuxuuna heshiiskaasi dhigayaa in Shirkadani Baaris iyo qodis ka sameeyso Degaano ka tirsan Puntland gaarahaan Dhalan, Majayahan & Galagala oo ka tirsan Gobolka Bari ee Soomaliya.

Xogtaan ayaa tilmaamaysa inuu haatan magaalada Bosaso taagan yahay markab sida agabka iyo aaladaha lagu qodo khayraadka dabiiciga ah, kaas oo isugu jira, Cagaf cagafyo Jiidayaal, qalabka dhulka lagu garaaco, wiishash iyo Alaabo kale oo aan hore loo keeni jirin deegaanka Puntland.

Howsha Shirkaddaan ayaa fulinteeda si toos ah waxaa ugu xil saaran wiilka uu dhalay madaxweynaha Puntland oo lagu magacabo  Khadar Cabdiraxmaan Faroole, waxaana dhinaca nabad gelyada gacan ka gaysan doona sida heshiisku dhigayo shirkad madax banaan oo kuwa nabad gelyada ka shaqeeya ah oo laga leeyahay dalka Koonfur Afrika oo meel marinta iyo ka miro dhalinta heshiiskaas inay u madax banaan tahay loo saxiixay  bishaan Nov 12,2010.

Maamulka Faroole iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowr mar oo hore isku qabtay qaabka loo gelayo iyo cidda gelaysa, iyadoo Dowladda KMG ah ay ku doodday inay iyadu xaq u leedahay inay gasho heshiisyada lala gelayo dowladaha iyo shirkadaha  Ajaaniibta ah, halka maamulka Puntland ku dooday inay u madax banaan yihiin heshiis kasta oo quseeya dhulka Puntland inay la geli karaan cid kasta.

SomaliSwiss Boosaaso
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: