Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya oo beesha Caalamka ugu baaqay in ay kordhiyaan taageeridda dadka iyo dowladda Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in ay sii kordhiyaan taageerada ay siinayaan dadka iyo dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo hadal kooban warbaahinta siiyay kadib markii kulan shalay Muqdisho uu kula qaatay Madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Musafani ayaa waxaa uu ugu baaqay in beesha Caalamka ay sii laba jibaarto taageeriada ay siisiiso dowladda KMG Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed wuxuu sheegay in xaalad xun uu ku jira wadanka Soomaaliya, loona baahan yahay in beesha Caaalmanka sida ugu dhaqsiyaha badan ay sii laba laabto taageerana ay u fidiso dowladda KMG iyo shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa waxa uu ka hadlay isbadalka lagu sameeyay Xukuumadda KMG Soomaaliya gaar ahaan Xukuumaddii hore ee Ra’iisul wasaare Sharma’arke, hase yeeshee ay dowladda cusub u baahan tahay in taageero ay ka hesha beesha caalamka si loo dhameeyo dagaalada ay kula jirto mucaaradkeeda gaar ahaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam
SomaliSwiss    Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: