Advertisements

Madaxa FBI-da Mareykanka ee Portland oo Abaal marin Lacageed u balan qaaday cidii sheegta dadkii gubay Masjidka Salman Alfaris.

Halkaan ka akhri

Hay’adda Nabad sugidda dalka Maraykanka ee FBI-da ayaa abaal marin lacageed u ballan qaadday, qofkii keena warbixin la xiriirta ama sahlaysa in lasoo qabto ciddii ka dambaysay┬á dabkii Habeen hore saqdii dhexe la qabad siiyay Masaajidka Salman Alfaris ee ku yaal Portland.

Masjidka gubitaankiisa oo la tuhunsan yahay inay gubeen ama loo wax yeeleeyay arrimo salka ku haya, Maxamad Cusmaan Maxamuud wiilkii Soomaaliga ahaa ee loo xiray inuu qarxin rabay meel dad badani isugu imaan lahaayeen Portlnad oo la sheegay inuu imaan jiray Masaajidkaas.

Sarkaalka ugu sareeya Xafiiska FBI-da ee Oregon, Portland Arthur Balizan ayaa ka codsaday Communitiyada iyo Imaamka Masjidkaas iyo cid kasta oo ka caawin karta FBI-da soo qabashada kuwii ka dambeeyay Gubitaanka xarunta cibaada inay xiriir lasoo sameeyaan FBI-da.

Wuxuu ku yaboohay qof kasta oo ku caawiya FBI-da warbixin sahlaysa soo qabashada kuwa dambigaas galay in lasiin doono lacag gaaraysa $10,000.

Wuxuu aad u cambaareeyay kuwii geystay falkaas, wuxuuna ku dhaartay inaan si sahlan looga hari doonin cid kasta oo wax yeeleysa goobaha cibaadada.

Warbixinada la xiriira Wiilka Soomaaliga ah ee la xiray iyo sababaha loo xiray ka aqqriso wararka SomaliSwiss ee labadii maalin ee lasoo dhaafay.

SomaliSwiss USA

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: