Gabdhaha Sacuudiga oo bilaabay inay dacweeyaan Waalidka haddii loo diido inay guursadaan.

Halkaan ka akhri

Gabdhaha dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa bilaabay inay dacwado kasoo horjeeda Aabayaashood geeyaan maxkamadaha dalkaas markii loo diiday inay guursadaan niman ay keensadeen sababo badan oo kala duwan oo isugu jira dhaqaale iyo arrimo kale dartood.

Maxkamadaha dalka Sucuudiga ayaa baryihii ugu danbeeyey waxay ku mashquulsanaayeen dacwado ay soo gudbiyeen Hablo Sucuudiyiin ah kuwaas oo ka dacwoonaya ama maxkamada la tegey waalidkood kadib markii ay u diideen inay hablahaasi guursadaan guur xallaal ah,

Dacwadahaa la hor keenay maxkamadaha ayaa waxaa ka mid ah gabadh u dhalatay dalkaas oo Aabeheed kusoo oogtay inuu u diday guur isagoo doonaya inuu ka qaato lacag ay shaqeysatay, Gabadhaa ayaa sheegtey inay shaqeysato isla markaana ay mushahar badan qaadato iyadoo sababta ugu weyn ee Aabaheed ugu diiday guurka ay tahay mushaharkeeda, Gabadhaas ayey soo dooneen Rag badan oo loo diiday waxayna gurigooda ku gaartay 42 jir.

Warbixin laga aruuriyay Maxkamado ku yaalla Afar magaallo oo dalka Sucuudiga ku yaalla ayaa muujinaya inay soo mareen 213 dacwadood oo ay soo gudbiyeen Gabdho ka cabanaya Aabayaashood oo u diiday inay Guursadaan, Hablahaa ayaa intooda badan guur la’aan da’doodu gaartay┬á 30 illaa 40 jir inta u dhaxaysa iyadoo ay jiraan qaar badan oo afartanka sare u dhaafay isla markaana ay Aabayaashood sabab u ahaayeen.

Maxkamadaha ayaa sheegay inay Waalidkaa ku qanciyaan inay maxkamada soo hor istagaan iyadoo hadii uu diido Aabuhu qaadiga Maxkamaddu la wareegayo hawsha gabadhaa isagoo u guurinaya ninka markaa soo doontay ee laga hor istaagay, waxaana la sheegay inay isugu yimaadaan Maxkamadahaas midiiba shan Qaadi isla markaana ay ninkaa weydiiyaan diinta sida uu ku yahay iyo akhlaaqdiisa intaa kadibna ay u guuriyaan gabadha iyadoo Aabahood joogo, hadiiba uu diido inay guursato

SomaliSwiss News Monitoring Desk
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: