Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay xalay ilaa iyo  saakay Dagaalo iyo duqeymo sababay dhimasho iyo dhaawac, waxayna dagaaladaas ay ka dhacayeen degmooyinka Hodon, Howlwadaag iyo Boondheere ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna u dhaxeeyey dagaaladaas ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda.

Sida lagu soo warramay dagaaladan ayaa waxaa  barbar socday  duqeymo xoogan, balse waxaa la sheegay in inta la ogyahay ay ku dhinteen 2 qof, 4 kalana waa ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ku kala sugnaa degmooyinka Boondheere iyo Hodon.

Hay’adda gurmadka  gargaar degdegga ah ayaa dadka ku dhaawacmay dagaaladaasi ay  ula carartay isbitaalada Magaalada Muqdisho, waxaana dadka deegaanadaas ay sheegeen in haatan xaaladu ay degantahay marka laga reebo rasaas teel teel ah oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac oo laga maqlayo goobaha ay isku horfadhiyaan.

Hase yeeshee waxaa iska caadi noqotay in dagaalada iyo duqeymaha ka dhaca Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa inta badan saameyn ku yeesha dadka rayid ah ee ku sugan goobaha lagu dagaalayo, kuwaasi oo dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaaraan dagaaladaasi.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: