Madaxweyne Sheikh Shariif Sh. Axmed oo u sheegay xukuumada cusub ee Farmaajo in laga doonayo in ay la timaado weji cusub.

Halkaan ka akhri

Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa shalay gelinkii dambe hadal  kooban ka jeediyay Xafladii  lagu dhaarinayay wasiirada cusub ee xukuumada ra’iisul wasaare farmaajo ee ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Somalia, wuxuuna sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay ansixinta Xukuumadda isla markaasna uu uga mahad celinayo arrintaasi gudoonka sare iyo Xildhibananada.

Sidoo kale Madaxweyne Sheikh Shariif  wuxuu kula dar daarmay Xukuumada Cusub ee shalay la ansixiyay inay ku dadaasho wax ka qabashada xaaladda adag ee ka jirta dalka Soomaaliya, hase ahaatee qaar ka mid ah golaha wasiirada xukumada KMG Soomaaliya oo lagu dhaariyay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, ayaa Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay inay la yimaadaan siyaasad ay kula shaqeeyaan dhamaan hay’adaha dowladda si ay ugu fududaato wax ka qabashada xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in xukuumada KMG laga doonayo inay la timaado hufnaan iyo dar dar cusub oo ay wax ka qabanayso amniga Soomaaliya, waxaana si guushaasi loo gaaro uu ugu baaqay Xukuumada inay si gooni ah ula shaqeyso xubnaha Barlamanka, Garsoorka iyo Madaxtooyada.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa dhanka kale wuxuu amaan badan u jeediyay xukuumadii hore uu uu hogaaminayaya ra’iisul wasaare cumar cabdirashiid asagoo ku tilmaamay iney dedaal weyn u galeen sidii shacabkooda ay uga samatibixin lahaayeen dhibaatada, wuxuuna xusay inaan laga maarmin oo laga faaiideysan doono khibradooda iyo waayo’aragnimada.

Si kasta ha ahaatee Madaxweyne Sheikh Shariif wuxuu si gooni ah ugu codsaday xildhibaanada Barlamanka inay dhexdooda ka saaraan khilaafka islamarkaana ay u gudbaan marxalad midnimo iyo wadashaqeyn leh si umada Soomaaliyeed looga wada saaro dhibaatada mudada dheer ku habsatay.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: