Madaxweynaha Uganda oo booqasho kedis ah ku yimid magaalada Muqdisho, dibna uga laabtay.

Somali & English

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta duhurnimadii booqasho aan horay loo sii shaacin ku yimid Magaalada Muqdisho Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musafani, wuxuuna kulan la qaatay Madaxweynaha dowladda KMG iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya.

Yuweri Musafani oo la socotay Xaaskiisa ayaa safarkooda ahaa mid qarsoon oo aan horay loo sii shaacin, sababta loo qariyey ayaa ah sugidda amaamkooda wuxuuna kulamo gooni gooni ahna la qaatay Madaxweynaha dowladda KMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed, Ra’iisul wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo iyo saraakiisha sar sare ee ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Ciidamada Uganda.

Madaxweynaha Uganda ayaa garoonka diyaaradaha ee Mgaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay madax ka tirsan dowladda KMG iyo Ciidamada Uganda ee dalkiisa ka jooga Magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee ilaa haatan lama oga waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxweynaha Uganda iyo Masuuliyiinta sar sare ee dowladda KMG Soomaaliya, hase ahaatee Madaxweynaha iyo xaaskiisa ayaa markii ay kulamadaasi la qateen madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxaa ay galabta ka kicitimeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Ugandan president pays surprise visit to Somalia


Mogadishu, Somalia – Uganda’s President Yoweri Museveni has paid a surprise visit to Somalia’s war-ravaged capital.

A spokesman for the African Union peacekeepers, Barigye Bahoku, says that Museveni’s more than 4-hour visit on Sunday was meant to show his solidarity with the war-battered Somali people.

He says Museveni met with the Somali president, the prime minister, and peacekeeping commanders and soldiers before he left the country. Uganda has contributed the bulk of the 7,000-strong African Union force that is keeping the country’s weak government alive.

Museveni is a strong supporter of an African intervention to defeat insurgents who confined the U.N-backed government into a few blocks of the capital, Mogadishu.

Bahoku says this was Museveni’s second visit to Somalia since he took power in 1986.

SomaliSwiss Mogadishu

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: