Hay’adda dadka Muhaajiriinta u qaabilsan QM (IOM) oo tababar siin doonto ciidamada badda wadamada Jabuuti, Soomaaliya iyo Yemen.

Halkaan ka akhri

Hay’adda Dadka Muhaajiriinta ah u qaabilsan Qaramada Midoobay (IOM) ayaa la sheegay inay wado qorshe tababar lagu siin doono ciidamada badda wadamada Jabuuti, Somalia iyo Yemen, si looga hor tago dadka faraha badan ee tahriib ahaanta ku galaya wadamada Jabuuti iyo Yemen.

Sidoo kale Mr. Odile Robert oo ah Madaxa hay’adda Dadka Muhaajiriinta ah (IOM), oo xafiiskiisa magaalada Jabuuti war ka soo saaray ayaa sheegay in qorshahaan lagu tabarayayo ciidamada badda ee wadamada Somalia Jabuuti iyo Yemen ay ugu talo galeen in looga hor tago dad fara badan oo naftooda ku biimeya badaha kuwaasoo badankood ka baxa Somalia, waxaana uu sheegay in dhaqaalaha ku baxaya ay bixineyso dawlada Japan oo ku talo gashay inay bixiso lacag dhan 60,Million oo lacagta Japan ah.

Mr. Odile Robert waxaa u tilmaamay in barnaamijkaan ay ka faa’ideysan doonaan ciidamada badda ee dawlada KMG Soomaaliya, kuwa maamulka Puntland iyo ciidamada wadamada Jabuuti iyo Yemen. wuxuuna Mas’uulkan uu sheegay in tababarradu ay ka dhici doonaan xeebaha u dhaxeeya gobolada Puntland iyo Yemen iyo wadanka Jabuuti.

Hase yeeshee hadalkaan ka soo baxay hay’adda IOM ayaa waxaa uu imaanayaa xilli sanad walba ay xeebaha u dhaxeeya wadamada Somalia iyo Yemen ay ku safraan kumanaan qof oo tahribayaal African ah kuwaasoo doomo ka raaca xeebaha Soomaaliya waxaana dhawr jeer dhacday in dad badan ay naftooda ku waayeen kadib markii si qasab ah looga daadshay doonyihii ay la socdeen amaba ay ciladoobeen.

SomaliSwiss    Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: