Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo looga digay ciqaab cunaqabatayn ah inuu la kulmi doono.

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa loogu hanjabay in haddii uusan ansixin xukuumadda KMG ah, isla markaana joojin xaalado abuurista uu ka dhex wado hay’adaha dowladda la saari doono cuna qabatayn xagga safarada ah, lana xayiri doono, wuxuu hanti leeyahay, sida ay cadaynayaan warar diblomaasiyadeed oo SomaliSwiss Heshay.

Warar SomaliSwiss ka heshay ilo kala  ayaa xaqiijiyay inay Shariifka xiriiro badan oo kala duwan lasoo sameeyeen, qaar ka mid ah dowladaha waawayn iyo deeq bixiya yaasha caalamka ee saldhigoodu yahay Kenya, waxaana loogu baaqay inuu noqdo nin wax dhisa, isla markaana uusan gadaal ka riixin saaxiibada isaga ku xiran.

Warar ay SomaliSwiss ka heshay Nayroobi, Muqdisho iyo hay’ado madax banaan oo ku leg leh arrimaha Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan ula soo sameeyay xiriiro xagga isgaarsiinta ah, waxaana loogu hanjabay in loola dhaqmi doono, sidii Hogaamiye kooxeedyadii oo kale, go’aan laga qaadan doono dhaq dhaqaaqiisa mustaqbalka, haddii uusan ansixin Xukuumadda cusub, isla markaana  si wanaagsan ula shaqayn hay’adaha dowladda inta ka harsan waqtigooda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay in arrintaasi ku noqotay filnwaay iyo culeys iyo wel wel soo wajahay, wuxuuna ballan qaaday inuu inta karaankiisa ah wax dhisi doono, isla markaasna uusan shaqo kulahayn, barnaamishyo xaalad abuurid ah, wuxuuna isla shalay cod gacan taag ah u qaaday xukuumadda cusub oo aan sharciyaynteeda laba isku qaylin, halka kulanka shalay kii ka horeeyay uu ahreeyay buuq iyo dagaal.

SomaliSwiss News Desk
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: