F.B.I-da Mareykanka oo sheegtay in wiilka Soomaaliga la xiray shalay ay isaga dhigeen sidii wakiillo Al-Qaacida ah (Warbixin).

HOOS KA DAAWO SAWIRA KALE

Halkaan ka akhri

Hay’adda F.B.I-da dalka Maraykanka ayaa Farsamo layaab badan oo sir huwan laciyaaray  isla markaasna muddo la jilayay sheeko u muuqaal eg, sidii Filim oo kale oo muddo lagu daba joogay Maxamed Cusmaan Maxamuud oo ah 19-jir  Somali-Mareykan oo booliiska  sirdoonku habeenkii Jimcaha ku xireen Portlnad Ore, isagoo lagu eedeeyay inuu qarax ka samayn rabay, isu imaatin wayn oo sanadkiiba mar ay sameeyaan dadka Masiixiyiinta ah bishaan oo kale marka uu soo dhow yahay sanadka cusub kaas oo ay u yaqaanaan Annual Christmas tree lighting ceremony taas oo ka dhici lahayd meel lagu magacaabo Pioneer Courthouse Square.

MUUQAALKA KORE OO FOG, GOOBTA MUNAASABADDA

MUUQAALKA KORE OO DHOW, GOOBTA MUNAASABADDA

Maxamad Cusmaan oo ku dhashay magalada Muqdisho, laakiin mar sii horeysay qaatay dhalashada Maraykanka ayaa deganaa Corvallis, Oregon, wuxuuna ahaa arday wax ka baranayay Oregon State University, sida ay ku warameen F.B.I-da Maraykanka, oo sheegay inay daba joogeen ilaa iyo August 2009, iyagoo M Cusmaan isaga dhigay wakiilo ka socda shabakadda AlQaacida oo garab ku siinaya shaqada uu rabo inuu qabto.

Sida ku xusan Gal dacwadeedka wiilkaan ay ka soo diyaariyee wakiillo ka socda hay’adda F.B.I-da, Maxamed Cusmaan Maxamuud ayaa bishii 8-aad ee sanadkii 2009 wuxuu E-mail u diray oo xiriir isgaarsiineed la sameeyay qof ku lug lahaa arrimo Argagixiso oo ay isha ku hayeen sirdoonka Maraykanka, kaas markii dambe bishii 12-aad ee isla 2009-ka la ogaaday inuu joogo Gobol ku yaalla Waqooyi Galbeed ee dalka Pakistaan.

Pioneer Courthouse Square markii dadka soo buuxsamay, daqiiqado ka hor markii la qarxin lahaa

Maxamed iyo qofka uu la xiriiray waxay si joogto ah u xiriirayeen in muddo ah, iyagoo E-maillada isugu gudbinayay luqad sireed ama afgarasho la sameeyay oo ay u isticmaaleen Qaab CODES ah, sida ku qoran faylkiisa dacwada ee FBI-da, waxayna isla soo qaadaan ayaa la sheegay qofka ay E-mailka kuwada xiriirayeen, haddii ay macquul tahay in Maxamad Cusmaan uu Pakistaan tegi karo si uu uga qayb qaato Jihaadka Alqaacida iyo in kale, waana laysku afgartay, hase yeeshee waxaa loo baahday fududaynta safarkiisa.

Sida sirdoonku sheegay Maxamad wuxuu isku dayay inuu xiriir kale la sameeyo qof uu doonayay inuu ka caawiyo arrimaha safarkiisa iyo tikidhada diyaaradda, hase yeeshee wuxuu  E-mail-kii u diray meel qalad ah, isagoo u haystay inuu la xiriiray qofka labaad, wixii maalintaas ka dambeeyayna Maxamad iyo qofka dambe ma dhex marin xiriir sax ah,maadaama E-mailka Maxamad uu la xiriirayay uusan ahayn kii saxda ahaa ee qofka uu doonayay.

Emailkii uu sida qaldan u diray ka dib ayaa Maxamad waxaa xiriir lasoo sameeyay wakiil ka tirsan hay’adda sirdoonka FBI-da kaas oo isaga dhigay ninkii uu e-mailka kula xiriiray ee joogay Pakistaan, waxaana xiriir qarsoodi ah oo muddo lala samaynayay ka dib lagu ballamay in lasameeyo kulan toos ah oo laysku arko, kaas oo lagu ballamay inuu ka dhaco gobolka uu Mareykanka Maxamad ka deganaa ee Portland, taas oo ugu dambaystii ay isku barteen Maxamad iyo wakiilkii FBI-da ee uu haystay wiilku inuu yahay wakiilkii Alqaacida ee uu la xiriiri jiray, waxayna kulmeen markii ugu horeysay July 30, 2010.

Wakiilkii qarsoonaa ee FBI-da, wuxuu Maxamad layeeshay sheeko looga dhigay ishubin iyo imtixaan ama tijaabo u muuqatay is aaminista labada dhinac laakiin sirdoonku ay ku doonayeen inay ogaadaan, xaqiiqda saxda ah ee uu damacsan yahay iyo wuxuu samaynayo Wiilkaani, waxaana la qorsheeyay in waraysiyo marqaati ah lala yeesho oo haddii loo baahdo dambi lagula soo oogi karo, dabadeedna, wakiilkii FBI-da ayaa Maxamad hordhigay shuruud ahayd inuu cadeeyo inuu mujaahid sax ah yahay intii aan la geyn meesha Mujaahidiinta kale ay joogaan.

Maxamad wuxuu ninkii Alqaacida ka socday laakiin FBI-da ahaa u sheegay inay jiraan qoraallo badan oo jihaadi ah oo uu sameeyay kuwaas oo qaybi tahay buugaag uu qoray, halka qaybta kalena tahay online oo laga heli karo web-site-yo islaamiyiintu leeyihiin oo lagala socdo arrimaha Jihaadka, isagoo xusay inuu howshaan jeclaa ilaa 15 jirkiisii uuna aad ugu hamminayay intii xilligaas ka dambaysay inyy noqdo nin Jihaadiya.

sheekadaas ka dib ninkii FBI-du wuxuu Maxamad u sheegay inuu aaminay, waxaana lagu ballamay inay Pakistaan isku raacaan, iyadoo wakiilka Alqaacida (FBI) uu ka codsaday inuu sugo inta uu howl ka dhmaysanyo Maraykanka, dabadeedna waxaa Maxamad qudhiisa lawaydiiyay inta howshaas aan diyaarsanayo adiga wax aad doonayso inaad samaysato miyaa jira oo aad jeceshahay, wuxuuna ku jawaabay inuu jeclaan lahaa markii uu Maraykanka ka sameeyo qarax weyn oo dad ku dhinteen ka dib.

waxaa la waydiiyay si loogu gacan siiyo howshaas , isla markaasna loola ogaado macquulnimadeeda inuu sheego meesha uu doonayo inuu qarxiyo, goorta uu fulinayo, sida uu u samaynayo iyo qaabka uu isticmaali rabo, wuxuuna Maxamad sharraxay dhammaan wixii uu samayn lahaa, isagoo codsaday in laga caawiyo xagga dhaqaalaha oo kaliya.

sida ku cad kiiska dacwadda laga qoray wiilkaan Soomaaliga ah, Wakiilkii Alqaacida (FBI agent) ayaa waydiiyay, sida uu u arko Maxamad meesha uu doonayo inuu qarxiyo dadka imaanay inay lasocdaan ilmo yar yar oo aan waxba galabsan, wuxuuna ku jawaabay, inuu danaynayo oo kaliya geeri fara badan oo dhacda iyo dhaawac aan xisaab lahayn inuu arko.

Maxamad iyo wakiilii Alqaacida (FBI Agent) ayaa 4-tii November ee sanadkaan isku raacay meel cidlo ah oo ku taalla Lincoln County, Oregon si ay usoo hubiyaan, waxyaabaha qaraxa samaynaya ee uu Maxamad isticmaali rabo iyo  awoodooda inta ay dhan tahay, waxaana lasoo sameeyay tijaabadii oo lagu guulaystay, ka dibna, Maxamad waxaa lasiiyay fasax ah inuu fulin karo oo barnaamish-kiisu uu yahay mid lagu guulaysanayo, hase yeeshee hay’adda FBI ayaa maalmo ka hor, intii uu qabanqaabada iyo diyaarinta ku jiray u bedelay waxyaabihii qaraxa samayn lahaa iyagoo siiyay kuwa feeg ah oo aan qarxayn oo u muuqaal eg, kuwii uu samaystay.

Maxamad iyo wakiilkii FBI ayaa habeenkii Jimcaha isugu yimid goobta Qaraxa laga fulin lahaa, waxaana Maxamad lagu wareejiyay qalabkii uu diyaarsaday, laakiin loo bedelay, wuxuuna isku dayay, markii la gaaray waqtigii dadka ugu badan yimaadeen munaasabadii inuu mobile-kiisa ku qarxiyo alaabtii uu isku soo xir xirtay, taas oo markii koowaad u shaqayn waysay, wuxuu isku dayay mar labaad inuu ku celiyo, waana u shaqayn waysay, isla markiina waxaa gacanta ku dhigay booliis iyo FBI goobta loogu sii diyaariyay, haddiiba uu ka dhabeeyo inuu qaraxaas sameeyo si loo xiro, waana la xiray.

Maxamad qaadaysa dacwada Maxamad oo la horkeeni doono bilowgeeda, Isniinta berri ah ayaa haddii ay ku cadaadaan dambiyada ay ku oogayaan FBI-da Maraykanka wuxuu mutaysan doonaa xabsi daa’im iyo $250,000 oo ganaax lacageed ah.

SomaliSwiss Monitoring

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: