Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia iyo dawladda Masar oo ka wada hadlay arrimaha dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Ergeyga gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Danjire Augostine Mahiga oo booqasho ku tegay magaalada Qaahira ee Xarunta Masar ayaa halkaa kulamo kula yeeshay masuuliyiinta dalkaasi, waxayna ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan sidii xukuumada Masaarida ay gacan uga geysan laheyd taageerida dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uul ka tirsan Wasaarada arimaha dibada ee dalka Masar oo magaceedu lagu sheegay Mss. Basima oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in dawlada Masar tan iyo burburkii Soomaaliya ay u duubneyd taageerida shacabka Soomaaliyeed ayna door weyn ka soo qaateen kaalmeynta adeegyada bulshada iminkana ay labalaabi doonaan gargaarka iyo taageerada ay u fidinayaan Soomaaliya.

Sidoo kale Danjire Mahiga ayaa magaalada Qaahira kula kulmay mas‘uuliyiin ka tirsan Jaamacadda Carabta , wuxuuna madaxda Ururka ka codsaday in ay taagero dhaqaale ugu deeqaan Ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda Midowga Afrika, kuwaas oo la qorsheynayo in la kordhiyo ciidamada ka howlgalaya Soomaaliya si loo soo celiyo amaanka guud, islamarkaasna ay dawladdu kula wareegto gacan ku heynta caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Ugu danbeyntii Danjire Mahiga ayaa uga mahad celiyay madaxda sare ee dawlada iyo xildhibaanada Baarlamanka sidii ay unsaxiyiin xukuumada cusub una ilaaliyeen sharafta iyo sumcada ay beesha caalamaka ku eegeysay is mari waaga ka taagan dawlada dhexdeeda.

SomaliSwiss    Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: