Xarakada Al-Shabaab oo laba Sarkaal oo muhiim ah looga dilay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Halkaan ka akhri

Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay maleeshiyo fara badan oo la sheegay in laga soo qafaalay Ceeldheer ,Galcad iyo  Masagawaa looga dilay laba jidgooyo oo kala duwanaa kuwaas oo loo kala dhigay midkood inta u dhexeysa Wara-dhuumale iyo CeelGod halka tan labaadna loo dhigay inta u dhexeysa deegaanka Warxoolo iyo Degmada Wabxo ee Gobolka Galgaduud oo hoos tagta Ceel Buur.

Labadaan jidgooyo oo sida dadka deegaanku sheegayaan ay ku naf waayeen maleeshiyooyin badan oo la sheegay in la soo qafaalay iyo askar ka tirsan Al-Shabaab iyo Horjooge yaal sare oo xarakada uga wakiil ah gobollada dhexe iyo Galgaduud ayaa laxaqiijiyay inay la  socdeen laba kolonyo oo isu geyn watay 5 gaari oo u kala socday 3 iyo laba kuwaas oo gurmad u ahaa dagaalada ka dhacaya Galgaduud kuwaas oo ka yimid Shabeelada Dhexe.

Markii laga soo tago dhimashada Maleeshiyada Shabaabku soo qafaaleen iyo askarta Al-shabaab oo gaartay ilaa 30 ayay wararka SomaliSwiss ka helayso Degmada Wabxo, Dac iyo GuriCeel sheegayaan in Labadaas jidgooyo ay yarayeen dadka ka bad baaday ee saarnaa 5-ta Gaari ay ka mid ahaayeen laba horjooge oo kala watay ciidamadaas gurmadkaaa.

Deegaanada Wabxo iyo Dac oo hoos taga Ceelbuur ayay dad joogaahi SomaliSwiss u xaqiijiyeen inay dadka dhintay ka mid ahaayeen laba sarkaal oo magacyadooda lagu sheegay Xasan Faarax Daboole oo ku magac dheer (Xasan Shiiloow) iyo Cumar Mataan, kuwaas  oo maydkooda la xaqiijiyay sida wararku sheegayaan.

Xasan Shiiloow ayaa Shabaab u qaabilsanaa Gurmadka Deg Dega ah, waxaana lagu dilay inta u dhexeysa Warxoolo iyo Degmada Wabxo isagoo hogaaminaya Maleeshiyo la socotay 3 gaari oo gurmad ahaa, Waxayna wararku intaasi ku darayaan inay la dhinteen illaa 20 qof oo kale oo ka mid ahaa Maleeshiyadii uu watay, waxayna wararku sheegayaan in dadka meydka ah ay dhici karto inay ka mid yihiin horjooge yaal kale oo aan la aqoonsan.

Dhinaca kale horjoogaha Cumar Mataan ayaa lagu dilay inta u dhexeysa Wara-dhuumale iyo CeelGod, waxuuna ka tirsanaa garabka Shabaab ee uu hogaamiyo Axmad Godane, haseyeeshee Wararka SomaliSwiss ka helayso deegaanka ayaa kala tibaaxaya dhimashadiisa iyo in isagoo dhaawac ah lahayo, mana jiraan warar ka madax banaan dadka deegaanka oo xaqiijinaya geeridiisa ama gacan ku hayntiisa dhaawac.

Inta badan Duulaanadda ay ku qaadaan Maleeshiyadda Kooxda Shabaab Gobaladda Dhexe ee Soomaliya waxaa ka soo gaara Khasaare Milatari, iyadoo ay uga dhintaan dad muhiim u ah xarakada, waxaana si wayn looga dareemayaa deegaanada Wabxo iyo Dac inaysan xaaladdu deganayn.

Dhanka kale warar deg deg ah oo  iyana naga soo gaaray Jiidaha hore ee deeganadaas Dagaalka ayaa tibaaxaya in shalay fiidkii ay Miino la kacday Gaari Saad u waday ciidan Xarakada Al-Shabaab oo la sheegay inay ku go´doonsanyihiin dhul howd ah oo u dhexeeya Ceel god iyo Wabxo, mana jiraan warar faah faahsan oo weli laga helayo halkaas, wixii ka soo kordha dib ayaan idin kala socod siin doonnaa.

SomaliSwiss  Wabxo/CeelBuur
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: