Golaha Xukuumadda cusub ee dowladda KMG Soomaaliya oo goor dhow la ansixiyay.

Halkaan ka akhri

Xildhibaanada golaha Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa Shir ay maanta oo Sabti ah ku yeeshaeen xarunta baarlamaanka  KMG ee Muqdisho waxay cod gacan taag ah ku ansixiyeen golaha wasiirada ee uu soo magacaabay R/wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shirka oo ay ka qeyb galeen 343 Xildhibaan waxaana si gacan taag ah codka kalsoonida siiyay xukuumadda 251 xildhibaan.

inkastoo Shariif Xasan gudoomiyaha Baarlamaanku uu cod geliyay qaabka loogu codaynayo qarsoodi ama gacan taag, hadana waxaa aqlibiyadda helay kooxda gacan taagga rabtay, iyadoo sidaas loogu codeeyay lana ansixiyay.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inay ansax tahay maanta ka dibna ay si toos ah u guda galeyso howlaheeda caadiga ah xukuumadda cusub, ka dib markii Xildhibaanada baarlamaanka ay ka heshay codka kalsoonida.

Kalsooni siinta Xukuumadda waxaa ka soo horjeestay 93 Xildhibaan,
Jawiga maanta ee baarlamaanka wuxuu ahaa mid ka duwan kii ugu dambeeyay ee laysku feeray, wuxuuna ku dhamaaday jawi degan oo buuq iyo qeylo aysan jirin.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: