Dowladda Shiinaha oo lacag ugu deeqday Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Halkaan ka akhri

Dowladda wadanka Shiinaha ayaa ugu deeqay lacag ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka Nabad ilaalinta u jooga wadanka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya magaalada Addis ababa ee Xarunta dalka Ethiopia ayaa waxaa uu ku wareejiyay Ururka Midowga Afrika deeq lacageed oo gaaraysa ilaa $ 1.32 Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah taasi oo ay soo dhiibtay dowladda Shiinaha islamarkaana loogu talagalay ciidamada AMISOM.

Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika Jean Ping oo ka soo qeyb galay Munaasabadda ka dhacday Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis ayaa waxaa uu Safiirka Shiinaha ku gudoonsiyay Mr. Jean Ping lacag ay Shiinuhu ugu talo galeen ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee nabad ilaalinta u joogo Magaalada Muqisho.

Ugu horreyntii waxaa halkaasi qudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Safiirka Shiinaha u fadhiya dalka Ethiopia, waxa uuna sheegay in dowladda dalka China ay ka go’an tahay taageeridda howlgalada ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Sidoo kale Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mr. Jean Ping ayaa ugu mahad celiyay dowladda wadanka Shiinaha lacagta ay soo gaarsiisay Ururka Midowga Afrika, waxaana uu sheegay inay arintaasi ay tahay mid wax ku ool ah islamarkaana lagu balaarin karo howlgalada ay ka wadaan ciidamada AMISOM Magaalada Muqdisho.

Si kasta ha ahaatee Madaxda Midowga Afrika ayaa waxaa ay beesha Caalamka ka codsadeen in hal meel looga soo jeesto wax ka qabshada xaaladda adag ee Soomaaliya iyo taageeridda Ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Addis ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: