Dowladda Maraykanka oo xirtay Wiil Soomaali ah oo ay sheegeen in uu qarxin lahaa Munaasabad ay dad badani isugu imaanayeen.

Halkaan ka akhri
Dowladda Maraykanka ayaa shalay xirtay Wiil Soomaali Maraykan ah oo lagu soo eedeyay inuu damacsanaa Qarax weyn oo uu ka fuliyo munaasabadda Christmas tree lighting ka dhici lahayd Jimcihii bartamaha magaalada Portland oo ay isugu imaan lahaayeen dadweyne aad u badan.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Maxamed Cusmaan Maxamuud oo 19 jir ah ayay Booliiska Portland ee dalka Maraykanku gacanta ku dhigeen isagoo garaacitaan  ku bilaabay Telefoon uu ku qarxin lahaa gaari uu kasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo qaab remote control ah uu doonayay inuu ku qarxiyo, kaas oo uu dhigay meel aan ka fogayn halka dadku isugu imaanayeen.

Police-ka ayaa sheegay inay wiilkaan daba socdeen ilaa bishii ina dhaaftay ee Juun, ka dib markii Askari Dharcad ah uu xaqiijiyay inuu xiriir joogtaa la sameeyo kooxo aan la magacaabin oo ku sugan waqooyi galbeed ee gudaha dalka Pakistaan, waxaana ilaa iyo markaas daba joogay Booliis dhar cad ah wiilkaan oo degan magalada  Corvallis.

SomaliSwiss USA
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: