Al-Shabaab oo bilowday ciidamaynta Dumarka.

Halkaan ka akhri

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda hoose ayaa boqol iyo kontan haween ah tababar ciidan uga furay goob ku taala garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Haweenkaasi ayaa la arkayey iyagoo ku labbisan dareeska tuutaha ah ee maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu yaqaano, waxayna haweenkaasi maanta socod ku mareen wadada isku xirta xaafadda Calanley iyo Ayriboorka magaalada kismaayo.

Xasan Yacquub Cali oo ka mid ah horjoogayaasha maleeshiyaadka Alshabaab ee magaalada Kismaayo oo la hadlay haweenka tababarka ay maleeshiyadkaasi ku fureen ayaa sheegay in haweenkaasi uu muddo labo bilood ah uu tababrkaasi uga socondoono saldhiga maleeshiyaadkaasi ay ku leeyihiin agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi

Maleeshiyaadka Alshabaab ee magaalada Kismaayo ayaa tababarka ay haweenka magaaladaasi u fureen uu ku soo beegmayaa xilli maleeshiyaadkaasi ay soo wajahaay tabar darro xaga ciidan ah oo ku kaliftay in ay ciidan ka dhigaan haweenka ku dhaqaan magaalada Kismaayo ee ay maleeshiyadkaasi gacanta ku hayaan

Dhanka kale shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda hoose ayaa la arkayey iyagoo iswaydiinaya waxyaabaha ka dhalan kara haddii ay dhacdo in haweenkaasi la dagaal galiyo madama ay maleeshiyaadkaasi dagaal dad badani ay ku dhinteen ay ka wadaan gudaha Soomaaliya taas oo walwal horleh ku beertay shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

SomaliSwiss  Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: