Advertisements

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee ka hortaga u xoog sheegashada Haweenka oo shalay ka dhacay degmada Zürich ee dalka Switzerland.

Halkaan ka akhri

Shalay oo ahayd Khamiis kuna beegneed 25ka Nofember ayaa waxaa loo dabaaldegay maalinta ka hortagga u xoog sheegashada haweenka Caalamka, sidaas darteed Dalkan Switzerland ayaa sanadkan si ka beddelan qaabkii horay ay uga qayb gali jireen  kaalin ololaha Caalamiga ah ee loogu hortagayo fara-xumaynta iyo u xoog sheegashada haweenka,hase yeeshee  brogramka ololahan ayaa la sheegay inuu ka  socon doono guud ahaan 26kan Kantoonada dalkan Switzerland muddo 16 maalmood ah.

Ololaha Caalamiga ah oo loogu tala galay in loogu hortago wax kasta oo loogu xoog sheeganayo haweenka ayaa  wuxuu soo billaabmay Sanadka markuu ahaa 1991dii Markaas oo ay sharci ahaa u Asaaseen Madaxda Haweenka caalamka, waxaana loo Astaameeyey in 25ka Nofember ay noqoto maalinta loo ololeynaya xuquuqda Haweenka, sidoo kale 5ta dishembre ayaa loo Astaameeyey inay noqoto maalinta la dagaalan Guniinka Haweenka, hase ahaatee 10ka dishembre ayaa ah maalinta guud ee Xuquuqda Aadanaha.

Sidaas darteed la dagaallanka xadgudubyada lagula kacaayo haweenka waa qayb ka mid ah xadgudubyada lagula dhaqmayo Xuquuqda Aadanaha, kaasoo ay u midoobeen 137 wadan oo Caalamka ka tirsan ay qalinka ku wada duugeen in si joogta ah uga hortagaan falalka xun-xun oo lagu waxyeeleynaya dadka Aadanaha ah Xuquuqdooda iyo sharaftoodaba.

Sida la sheegay 137 dal ayaa waxaa ka abuurmay 2.000kun Urur caalamiga oo u ololeynaya Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha, Ururradaas oo u badan haweenka, shaqaalaha, Ururro Diineedka, hase ahaatee dalkan Swisska oo si dadbana haray uga mid ahaa Ururrada Caalamiga ayaa wuxuu si rasmi ah ugu mid noqday Sanadka markuu ahaa 2008da Ururweynaha  Caalamiga ee lagu magacaabo Qaramada Midoobay (UN).

Sanadakan 2010, ayaa la sheegay in Haweenka Switzerland  ay soo qaban-qaabiyaan Barnaamij heer Qaran iyo Heer Caalami ah isugu jira si ay ololahan uga qayb galaan, sidaas darteed waxaa dhammaan Kantoonada dalkan Swistzerland ka billaabmay barnaamijyo loogu ololeynaya maalinta 25ka Nofember oo ah maalinta Caalamiga ah ee ka hortagga Xoog-sheegashada Haweenka.

Waxaa Guriga degmada Zürich (Stadthaus)  galabnimada shalay lagu qabtay  Kulan loogu hadlaya Xuquuqda Haweenka oo lagu soo martiqaaday Edan Adan oo ah haweynaydii u dhexday Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Cigaal, waxaa kaloo kulankaas ka qayb galaya Madaxweynaha degmada Zürich Corine Mauch, Nani Mora, presidente di Terre des Femmes Svizzera, Marisa Birri oo khabiir ku ah Xoog-sheegashada Haweenka, dhammaan Madaxdan waxay ka hadleen daryeelka Haweenka iyo horumarintooda.

Dhanka kale Edna Adan Ismail oo haatan Saldhig u ah Cisbitalka (Dumarka) iyo caruurtaoo ku yaala magaalada Hargeysa ee Caasimada Gobollada Woqooyi ee Soomaaliya, Edno waa dhakhtarad Umuliso ah, waxayna horay ula soo Shaqeyso Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO).

Edna Adan waxay si aad ah uga hadashaa arimaha Bulshada Somaaliyeed gaar ahaan arimaha Dumarka iyo Ciribtirka Gusdniinka Haweenka.

Sidoo kalee marwa Edana ayaa kula ballansan inay la kulantp haweenka Soomaaliyeed 5. Bisha Deshember 2010 ee soo socota degmada Zürich Xaafadda ama Kreis-ka GZ Hirzenbach, halkaasoo lagu tegi karo Tramka No. Yahay 9 ilaa meesha uu ku Dhamaado, Saacadda kulankana waa 15.00 galabnimo ilaa 19.00ka fiidnimo.

SomaliSwiss    Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: