Advertisements

Maamulka Ahlu Sunna ee gobolka Galgaduud oo Shacabka uga digay isticmaalka wadooyinka ay xiisadaha dagaal ka jiraan.

Halkaan ka akhri

War digniin ah oo ka soo Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Guriceel ee gobola Galgaduud ayaa uga digaya Shacabka ku dhaqan gobolkaas inay  isticmaalka wadooyinka xiisadaha colaadeed ay ka jiraan.

Sida uu sheegay Warbaahinta Gudoomiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud Cismaan Ciise Nuur “Taardhuleed” in shacabka ku dhaqan deegaanada iyo Tuulooyin ka tirsan gobolka Galgaduud ay ka fogaadaan goobaha dagaaladu ka socdaan, gaar ahaan wadooyinka ay ka jiraan xiisadaha dagaal iyo waliba wadooyinka ay maraan xoogaga hubaysan ee kula dagaalamaya gobolkaasi.

Dhanka kale Gudoomiyaha Ahlu Sunna ee degmada Guriceel waxaa uu sheegay in shalay galinkii dambe deegaanka ka mid ah gobolka Galgaduud ay kaga gubeen gaari nuuca dagaalka ah, waxaana uu intaasi ku daray in 12-askari oo ka tirsan xoogga dagaalada kula jira gobolkaasi inay ku dileen sida uu hadalka u dhigay.

Hase yeeshee ma jiraan ilo ka madaxbanaan oo xaqiijinaya khasaaraha uu sheegay Guddoomiyaha Ahlu Sunna inay gaarsiiyeen xoogaga Xarakada Al-Shabaab ee ay isaga soo horjeedaan gobolkaasi, sidaoo kale  ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al-Shabaab ee ay kula dagaalamaya Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

SomaliSwiss   Guriceel

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: