Advertisements

Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya oo sheegay in dowladda aan loo kordhin doonin Waqtigeeda.

Halkaan ka akhri

Ergayga ururka Midowga Yurub uga qaabilsan Soomaaliya Mr. Georges Marc Andre ayaa sheegay in ogolaan doonin in dowladda hada jirta Soomaaliya waqtiga loo kordhiyo, wuxuuna sheegay in dowladda hadda jirta in waqtigeeda uu ku eg-yahay 21-ka bisha Agosto ee sannadka soo socda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in loo bahan yahay inuu yimaado isbadal.

Sidoo kale Ergayga ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo u waramaayay Idaacadda VOA-da laanta afka Soomaaliga ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu la dersay muran baaxad leh, wuxuuna sheegay inaysan sii socon Karin marka uu dhammaado waqtigeeda dowladda.

Dhanka kale Mr. Georges Marc Andre wuxuu sheegay in Midowga Yurub uu doonaayo inuu arko dowlad shaqeynaysa oo ka jirta dalka Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay la shaqeyn karaan, wuxuuse sheegay inaysan doonayn iny arkaan dowlad uu muran ka dhex-jiro.

Mr. Georges Marc Andre oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Soomaaliya waxaa ka jirta dowlad uu waqtigeedu sii dhammaanayo, mana jirto dowlad miiska saaran oo badalaysa, dowladda hadda jirtana waxaa hareeyay muran”.

Ergaygu waxa uu sheegay inaysan ogolaan Karin in baarlamaanka ku shaqeeya gunno aan siinno, ay xubno ka tirsan gacan ka hadal kula dhaqaaqaan guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna sheegay inay taasi tahay mid si weyn looga xumaado oo fool xumo ah.

Hase yeeshee Ergayga ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya wuxuu u soo jeediyay Madaxda Dowladda KMG ah inay si wadajir ah uga shaqeeyaan oo ay meel uga soo wada-jeestaan, sidii dalka looga saari lahaa dhibaatada uu ku jiro, wuxuuna sheegay in xalku uu ku xiran yahay Madaxda Dowladda.

Ugu danbeyntii  Ergaygu wuxuu soo dhaweeyay hadalkii Xukuumadda Maraykanka ka soo baxay ee ahaa taageerayo maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira, isagoo sheegay in qorshahan uu ahaa mid ay horay Midowga Yurub u sameysay, wuxuuna dhinaca kale soo dhaweeyay maamul goboleedyada kusoo badanaya Soomaaliya, taasoo dad badan oo Soomaali ah aysan u arkeynin wax xal u ah dadka iyo Dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss   Bruxeles

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: