Advertisements

Boqorada dalka Ingiriiska oo booqasho ku tagtay Masjid weyn oo ku yaala dalka Imaaraadka Carabta.

Halkaan ka akhri

Waxaa booqasho rasmi ah ku joogta dalka Imaaraadka Carabta Boqoradda dalka Ingiriiska Queen Elizabeth 2aad waxay dorraat soo booqatay masjidka Sheikh Zayed oo ah Masjidka ugu weyn dalka Imaaradka Carabta.

Sida lagu soo warramay Queen Elizabeth ayaa inta aysan Masjidka galin waxaa loo xiray Dhar Asturaan ee ay qaataan haweenka Muslimka ah, inta aysan gudaha u galin Masjidka laga siibay Kabaha,

Warbaahinra wadanka Imaaraadka ayaa si weyn uga hadleen intii ay Boqoradda dalka Ingiriiska Queen Elizabeth 2aad booqashada ku joogtay waddankaas, gaarahaa maalintii ay booqashada ay ku tagtay Masjidka

MasjidkaSheikh Zayedwaxa Masjidka 3-aad ee Dunida ugu weyn, halkiin marna waxaa ku tukan karta dad gaaranaya40Kun oo qofood waana Masjidka si wanaagsan loo dhisay.

Sida caadiga ah marka dadka aan Islaam-ka aheyn ay booqanayaan Masaajida waxaa loo xiraa Dareeska dadka Muslimiinta ay xirtaan haddii ay Dumar yihiin dhar Asturan ayaa loo galiyaa iyadoo ragganna laga siibo kabaha.

Boqorada dalka Ingiriiska Queen Elizabeth 2aad intii ay ku jirtay Booqashadeeda MasjidkaSheikh Zayedwax ay goob joog ka aheyd ama ay dhageesatay dhalinyaro yar-yar oo akhrinaya Quraanka Kariimka.

Sida ay warbaahinta dalka Imaaraadka ay sheegeen Boqoradda dalka Ingiriiska ayaa uga danbeysay  mudo hadda laga joogo 31 sano ah  oo ay soo booqan dalka Imaaradka Carabta oo ka mid ahaa dowladdihii  Ingiriiska soo Gumeeystay.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in inta ay boqaradda joogto dalka Imaaraadka carabta in ay kala saxiixdaan dowladdaha Ingiriiska iyo Imaaraadka Heshiis ganacsi iyadoo labada dowladood ay doonayaan in ganacsiga ka dhaxeeyo uu hadda yahay $7.5 Billion, balse hadda la damacsan yahay in la gaarsiiyo$12 Billion.

SomaliSwiss   Dubai

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: