Advertisements

AMISOM oo ciidamo cusub shalay ku soo biirisay kuwii horey uga joogay magaalada Muqdisho.

Halkaan ka Akhri 

Ciidamada Nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM ayaa cutubyo cusub oo ah Ciidamo gaaraya Kun (1000) askari oo ka socda dalka Burundi, kusoo kordhiyay kuwii hore u joogay iyadoo  Maanta laga dejiyey Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho (Aadan Cadde International Airport).

Talaabada ka dambaysa daabulista Ciidamadan cusub, ayaa ah  si looga dhabeeyo dhameystirka tirada ciidamadda Amisom oo horey loo sheegay in magaaladda Muqdisho loo-qorsheeyay sideed kun (8.000) oo askari oo ka kala socda dalalka Midowga Afrika.

Sidoo kale ciidamadaan ayaa waxaa la filaayaa in’ay ka qeyb qaadan doonaan sugida goobaha ay gacanta ku hayso xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed, isla-markaana haddii loo baahdo in ay weeraro qaadaan ayaa waxaa sheegay inay qaadi karaan.

Isagoo waraysi siinayey wargeyska Daily Monitor, ayaa taliyaha gaarka ah ee ciidamadda Uganda ee ku sugan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho Col. Michael Ondonga wuxuu sheegay in sideed kun oo kaliya aysan waxba ka qaban kareyn xaaladda adag ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in Wadamada Midowga Afrika laga doonaayo in ciidamadda Amisom ee ka hawl-galla magaaladda Muqdisho laga soo dhigo 20 kun oo askari, si’ay u xaqiijiyaan ammaanka dalka Soomaaliya oo ay sheegeen in uu faraha kasii baxaayo.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: