Halkaan ka akhri
Masāuuliyiin Sar sare oo dhinaca Ciidamada ee ka socota sagaal dal Afrikaan ah iyo wakiilo ka socda Qaramada Midoobay ayaa soo saaray in dabagal lagu sameeyo ilaha dhaqaale ee xoogaga hubeysan ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.
Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxay xubnahan ku yeesheen gudaha dalka Uganda, waxaana looga arrinsanayay xaaladaha ammaan ee bariga Afrika.
Hoggaanka ugu sareeya ciidamada dalka Uganda ayaa sheegay, sida laga soo xigtay wargeys ka soo baxa dalkaasi, inay Uganda ay dooneyso in wax badan ka qabto mushkiladda Soomaaliya.
Shirka ayaa dowladda Uganda mahadcelin waxaa loogu jeediyay, howlaha ay ka heyso dalka sanadaha badan dagaalada ay ka socdaan ee Soomaaliya.
Shirkan ayaa shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Kampala, ayaa waxay ku baaqeen in si gaar ah isha loogu hayo ilaha dhaqaale ee xoogaga hubeysan, waxna laga qabto ammaanka iyadoo taageero xoog badan la siinayo dowladda KMG.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.