Tahriibayaal Soomaali u badan oo gaaray dalka Yaman, xilli la adkeeyay ammaanka xeebaha wadankaasi.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta soo gaaray Xeebaha dalka Yamen Kooxo Tahriibayaal Soomaali u badan xilli la adkeeyay ammaanka xeebaha Yemen.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Xeebaha dalka Yemen ay si nabad ah ku gaarey Koox tahriibayaal Soomaali ah oo gaaraya tiro ahaan 106 qof oo u badan dhalinyaro badda doon u isticmaalay inta ay ka gaarayeen xeebta Yamen.

Dadka Tahriibayaasha ah ayaa waxa ay la kulmeen dhibaata culus inta ay badda ku sii jireen waxaana xeebta Yamen ku qabtay Ciidanka Ilaalada oo geeyay xeraha Qaxootiga Magaalada Cadan.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka tahriibayaasha ah ayaa watey dooni nooca yar yar waxaana ay ka raaceen Xeebaha Gobolka Bari halkaasi oo muddo aanay ka bixin dooni tahriibayaal sida.

Tahriibayaansha soo gaaray dalka Yemen oo tiradoodooda ay gaarayso 106 qof ah ayaa waxaa ka mid ah 17-Haween ah iyo 8 Caruur ah sida ay cadeeyeen madaxda UNHCR ee magaalada Cadan ee dalkaasi Yamen oo la gaarsiiyay dadka Tahriibayaasha ah.

Sidoo kale dowlada Wadanka Yamen ayaa waxa ay cadaysay in aan loo sii dulqaadan Karin maydadka iyo Tahriibayaasha bada ku soo dhamaanaya waxaana haatan socanaya qorshe hor leh oo Yamen ay ku dhaaaqayso.

Si kasta ha ahaatee qulqulka Tahriibayaasha Soomaaliyeed ayaa ah kuwa aan ka joogsanaynin tagida Wadanka Yamen waxayna xeebaha Soomaaliya ka soo raacaan doomo halis ah oo dhibaata ay ka soo gaari karto inta ay ku jiraan Safarkooda.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: