Banaanbaxyo lagu dalbanayo Ansixinta Xukuumadda Farmaajo oo weli ka soconaya Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda Banaanbax Barlamanka KMG Soomaaliya loogu dalbanayo in ay ansixiyaan Xukuumadda Ra’iisul wasaare Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo) waxaana Bannaanbaxaas uu ka dhacay degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir.

Sida lagu soo warramay waxaa bannaanbaxan soo abaabulay Ururada Bulshada iyo Haweenka gobolka Baanadir ayaa waxaa Barlamanka Soomaaliya loogu codsanayay inay anisixiyaan Xukuumadda Ra’iisul wasaare Farmaajo.

Dadkii Banaanbaxayey ayaa la sheegay inay socod dheer ku soo mareen meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho iyagoo tagay Albaabada Hotello ay dagan yihiin Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya.

Socod dheer kadib ayaa waxay banaabaxayaasha ay isugu soo urureen Iridka hore ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana halkaasi ka hadashay gudoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Soomaaliyeed Marwo Canab Xasan Cilmi oo sheegtay in barlamanka Soomaaliya looga baahanyahay in codka kalsoonid ah ay Xukuumadda ku siiyaan si gacanta taag ah, hadii kalena sida ay sheegtay bulshada qeybaheeda kala duwan ay kacdoon samayndoonaan kadibna ay ugu gali doonaan Howlka barlamanka.

Dhanka Banaanbaxayaasha ayaa waxay wateen Boorar ay ku qornaayeen (Barlamanka Soomaaliya waxa laga doonayaa inay ansixiyaan Xukuumadda iyo sidoo kale Sawirka Ra’iisul wasaare Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo ), waxaana ay ugu baaqeen barlmaanka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku ansixiyaan Xukuumadda hadii kalena sida ay tilmaameen ay samayn doonaan kacdoon shacab.

SomaliSwissMuqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: