Siihayaha Wasiirka dhaqan celinta iyo arimaha bulshada oo ku baaqay in gudi loo saaro tacdiyada loo gaysto shacabka Soomaaliyeed.

Halkaan ka akhri

Siiyaha Wasiirka dhaqan celinta iyo arimaha bulshada Prof: Max’ed Cumar Dhalxa ayaa  ku baaqay in gudi loo saaro Tacdiyada ay ciidamada AMISOM iyo dhinacyada kale ee ka soo horjeeda u gaystaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale  Prof: Max’ed Cumar Dhalxa oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in kadib markii ay soo noq noqdeen dhibaatooyinka magaalada Muqdisho loogu gaysanayo shacabka Soomaaliyeed laga maar maan ay tahay in la sameeyo gudi xaqiiqo raadin ah oo baaritaano ku sameeya Xasauuqa Ciidamada AMSIOM iyo kuwa dowladda iyo dhinacyada kale ee ka soo horjeeda magaalada Muqdisho ay ugu gaysanayaan shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Prof: Max’ed Cumar Dhalxa waxaa uu ugu baaqay dhinacyada isku haya magaalada Muqdisho in ay joojiyaan dhibaatooyinka ay kula kacayaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho kuwaasi oo intooda badan madaafiicda lagu garaaco, isagoo u tacsiyadeeyay dadkii shalay wax ku nqoday rasaastii sida bareerka ahaa ay ciidamada AMISOM ugu fureen dad rayid ah oo ku dhaqnaa inta u dhaxaysa KM4- iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Hase yeeshee waxaa mar kasta ay Mas’uuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya ay ka hadlaan dhibaatooyinka loo gaysto shacabka, balse ilaa haatan ma muuqato wax laga qabtay tacadiyadaas, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay hoy  u noqdeen madaafiicda ay isku ridayaan dhinacyada isaga soo horjeeda Siyaasadda dalka Soomaaliya eek u sugan magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: