Siihayaha Wasiirka Arrimaha dibada oo sheegay in dowladda KMG ay ka dalbatay IGAD in laga taageero dhinaca ciidamadooda iyo kuwa AMISOM.

Halkaan ka akhri

Madaxda Urur goboleedka IGAD oo Shirka ugu socdo magaalada Addis ababa ayaa Dowladda KMG Soomaaliya ka dalbatay in la taageero ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Yuusuf Xasan Ibraahim (Dheeg) oo ah  Sii-haayaha xilka Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda KMG Soomaaliya oo waraysi siinayay Warbaahinta ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay shirka Urur goboleedka IGAD uga soconayo magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethiopia kaasi oo looga hadlayo arimaha Soomaaliya iyo Sudan.

Sidoo kale Yuusuf Dheeg wuxuu sheegay in kulankan si aad ah loogu lafaguray arimaha Soomaaliya wuxuuna sheegay in la isku afgartay in la kordhiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho lagana caawiyo ciidamada dowladda xagga tababarka iyo dhaqaalaha.

Waxaa kaloo uu sheegay Mudane Dheeg in kulanka la iskula soo hadal qaaday halka uu danbeeyey go’aankii hada ka hor lagu hishiiyay ee loo gudbiyay Qaramada Midoobay iyo dowlahada kale ee Caalamka kaasi oo ku saabsanaa taagreedda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka Mudane Yuusuf Dheeg wuxuu sheegay in markii hore ay shireen wasiiradada arimaha dibadda ee Urur goboleedka IGAD, marka xigtana ay shireen Madaxweynayaasha isagoo sheegay in shirkii hore ay yeesheen wasiirada arimaha dibadda ee diiradda lagu saarayay ka hadalka arimaga Suudaan ay fursad u noqotay in halkaasi ay ku soo bandhigaan waxyaabaha ay u baahantahay in laga saacido dowladda KMG Soomaaliya.

Kulan Madaxeedka Ururka goboleedka IGAD oo maalintii shalay ahayd ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia oo looga hadlayo arimaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa la faliyaa in ay ka soo baxaan qodobo kusaabsan arimaha Soomaaliya kuwaasi oo aan la ogayn waxa ay ka badali doonaan xaaladda Soomaaliya oo ay hareeyeen qilaafaad salka ku haaya arimo ay ka mid yihiin fikrado iska soo horjeeda iyo kala dambeyn la’aan.

SomaliSwiss Addis ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: