Sharciyaqaan ka tirsan Xildhibaanada Baarlamanka oo ku taliyay in cod loo qaado Mooshinada la isku hayo.

Halkaan ka akhri

Sharciyaqaan Cali Muumin Ismaaciil oo ka mid ah  Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa kula taliyay gudoonka Barlamaanka Soomaliya in ay  cod u qaadaan labada Mooshin ee ay ku muransan yihiin xildhibanda Barlamunku, sidaas darteedna kii ay u bataan xildhibaanadu Xumuumada lagu ansixiyo.

Sidoo kale Sharciyaqaan Abuukar Cali Muumun oo ah  qof waayo aragnimo durugsan u leh dhanka Sharciga islamarkaasna ka mid ah Xildhibaanada ugu firfircoon Golaha Barlamaanka ayaa u soo jeediyey gudoonka Barlamanka in buuqa iyo is qabqabsiga Xildhibaanadu lagu dhameeyo in cod loo qaado labada Mooshin ee la isku mari la’yahay oo kala ah Codeyn “cod qarsoodi ah“ iyo “Codeyn gacan taag ah“ codeeyo, kii loo batana Xukuumada lagu ansixiyo.

Sharciyaqaanka ayaa intaa ku daray in muddo dheer uu ka soo mid ahaa Xildhibaanada Barlamanka mar kastana wax lagu ansixin jiray habka gacan taag ah, hase yeeshee wuxuu isweydiyay sababta loo diidayo, wuxuuna hoosta ka xariiqay in lagama maarmaan ay tahay in la ansixiyo Xukuumadda si ay u gudato waajibaadka hor yaala.

Dhanka kale hadalka Xildhibaanka Sharciyaqaanka ah ayaa ku soo imaanaya xilli ay Xildhibaanada Barlamanku ay ku kala dareereen fadhigii Barlamanka, kadib markii ay isku khilaafeen qaabka loo ansixinayo Xukuumada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay R/wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: