Maraykanka oo sanadka cusub bilaabaya ugaarsiga kooxaha raacsan fikirka AlQacida ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri 

Wasaaradaha gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay in ay sanadka cusub ee 2011 ciidamo lixad leh ay u daabuli doonan saldhigga ciidamada Maraykanku ku leeyahay dalka Jabuuti si ay u fuliyaan hawl gallo lagu baacsanayo dagaalyahano Al-Qacida ka tirsan oo ku sugan wadamo ku yaala geeska Africa gaar ahaan Soomaaliya iyo Yeman.

Warbixin lagu qoray Jariidada Ciidamda Maraykanka ee American Froces Press iyo wasaaradda Gaashaan dhigga ayaa lagu sheegay in horaanta bisha Janaayo ee sanadka soo socda la qorsheeyay in dalka Jabuuti la geeyo dhawr batalyan oo ciidamo Mareykan ah kuwaasoo hawshoodu noqon doonto ugaarsiga dad Al-Qaacida ka tirsan oo ka tagay wadamada Afghanistan iyo Pakistan oo hooy ka dhiganaya waddamo ay Soomaaliya ka mid tahay iyo in laga hor tago hogaamiye-yaal aaminsan fikirka Al-Qaacida oo doonaya inay Soomalia ku soo rogaan wax la mid ah xukunkii Taalibaanka Afghanistaan.

Howshaan oo ay iska kaashan doonaan Talisyada ciidamada Mareykanka ee kala ah U.S. Joint Forces Command, Africom iyo Combined Joint Task Force Horn of Africa  ayaa lagu xusay in ujeedada hawsha ciidamadaasi qabanayaan ay ka mid noqon doonto illaalinta xeebaha Africa iyo la socodka dhaq dhaqaayada gaadiid badeedka galaya biyaha Soomaaliya iyadoo il gaara ah lagu eegi doono hawlaha ay wadaan Jihaadiyiinta Soomaaliya jooga iyo iyo Ajaaniibta u dagaal doonanaya dalka Soomaaliya iyagoo garab doonaya inay garab siiyaan Xarakda Al-Shabab.

Sarkiisha ciidamadaan ayaa kulan ay uga baaraan degayeen isla markaana ku kala qaadanayeen warbixinno oo ka dhacay dalka Maraykanka isbuucii lasoo dhaafay waxa ay sheegeen in hawl galkooda gaarsiin doonaan illaa iyo xeebaha dalka Yemen, iyagoo xusay inay kaashan doonaan wadamada gobolka ee Saxiibka la ah Maraykanka, gaarahaan kuwa Soomaaliya xuduudka la leh.

Arrintaani Waxay fursad caawinaad ah u noqonaysaa Midawga Africa oo aan ugu talo galnay inay iskaga difaacaan qul qulka Al-Qaacidada ka tageysa Afghanistan iyo Pakistan ayaa lagu yiri qoraalkaas, iyadoo taliyaha Africom Wiliam Ward-na uu sheegay inay fursado tababaro ah siin doonaan ciidamada wadamada bariga iyo geeska Africa oo Soomaliya ugu horeyso.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: