Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo Tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo Ehelladii uu ka geeriyooday gudoomiyihii Maxkamadda sare.

Halkaan ka akhri

Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay Allaha u naxariistee geerida Gudoomiyihii Maxkamadda sare  Maxamud Faarax Cumar Indhabuur, oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho kadib markii uu in muddo ah xanuunsanayay.

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed  oo la hadlayey qaar ka mid ah Warbaahunta Muqdisho ayaa sheegay in Gudoomiyuhu uu ahaa muwaadin jecel in dalkiisa iyo dadkiisa uu si wadaniyad ku jirto ugu adeego, wuxuuna Madaxweynuhu ku amaanay Marxuumka howshii garsoorka ee uu u hayay Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu u tacsi u diray Ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Gudoomiyiihii Maxkamadda sare, wuxuuna u rajeeyay in Janadii Fardowsa uu Alle ka waraabiyo Ehelladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

AAMIIN, AAMIIN, AAMIIN

Innaa lillaahi wa inaa Ileyhi raajicuun.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: