Gudoomiyihii Maxkamadda sare oo Maanta si heer Qaran loo aasay iyo Calanka Soomaaliya oo 3-maalmood hoos loo dhigay.

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

Waxaa Maanta si heer Qaran ah loo aasay Alle ha u naxariistee Dr. Maxamuud Cumar Faarax Indhobuur Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya kaas oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaana Aaskiisa ka qeyb galay Mas’uuliyiinta ugu sareeysa Dowladda.

Sidoo kale waxaa ugu horreyntii Salaadda Janaasada loogu dukaday Marxuunka Masjid ku yaala xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo ay dukashada Salaadaas janaasada ah ka soo qeyb galeen Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sheikh Shariif Sh. Axmed,Guddoomiyaha golaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh. Aaden, ku xigeenka 2-aad ee  Afheyeenka Baarlamanka Axmed Dhimbil Rooble Casawe, R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, R/Wasaare ku Xigeennada, wasiirro, Xildhibaanno, saraakiisha Ciidamada qalabka sida, masuuliyiinta hay’adaha kala duwan ee dalka iyo Xubno kale oo aad u faro badan, waxaana salaadii janaasada aheyd dujiyay Madaxweynaha Soomalaiya Sheekh Shariif Sh.axmed.

Kadib markii la dukaday Salaada Janaasada ayaa wuxuu Madaxweynuhu u duceeyay Marxuunka geeriyooday isagoo Alle uga baryay in uu jannadii fardowso aheyd ka waraabiyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in dalku galay xaalad baroor diiq ah oo ku saabsan geeridii Allaha u naxariistee Gudoomiyihii Maxkamada sare isla markaana muddo sadex maalmood ah hoos loo dhigay Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinka Xukuumadda KMGah ee Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday in lagu dhawaaqay Sadex maalmood oo baroor diiq ah oo hoos loo dhigayo Calanka jamhuuriyada Soomaaliya isla markaana loo duceynayo Gudoomiyihii Maxkamadda sare oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho isla markaana si heer Qaran ah loo aasay.

Arintan ayaa ka danbeeysay kadib markii uu habeenkii xalay Muqdisho ku geeriyooday Gudoomiyihii Maxkamadda sare oo ahaa mas’ul Qaran oo maamuus iyo magacba ku dhex leh ummada Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamanka iyo R/wasaaraha ayaa salaan sharaf xarunta Madaxtooyada uga qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidankla Xoogga dalka Soomaaliya, iyadoo markii dambe Meydka Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dalka ay soo galbiyeen gaadiid faro badan oo ay la socdeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda waxaana duhurnimadii maanta lagu aasay qabuuraha Sheekh Suufi.

Wasiirka wasaaradda arrimaha Dibadda ahna R/wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed cabndullaahi Oomaar oo saxaafdda kula hadlay Xarunta lagu aasay marxuunka ayaa ka codsaday dhammaan ummadda Soomaaliyeed inay iska cafiyaan, isagoo tacsi u diray ehelladii uu ka geeriyooday marxuunka waxa uuna Alle uga baryay inuu jannada ka waraabiyo.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay  Xildhiban C/naasir Gaarane Maxamed oo ka tirsan Xubnaha Golaha Baarlamanka islamarkaasna ehel la ah Guddoomiyihii Maxkamadda sare dadka soomaaliyeed ka codsaday cid kasta oo Deyn ku laheyd Marxuunka inay isaga ku soo wargeliyaan si loo bixiyo Deymanka lagu leeyahay haddii ay jiraan.

Ugu danbeyntii waxaa qof ka mid ah Ehellada Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka uu  saxaafadda u sharaxay taariikh nololeedka marxuiunka:

Maxamuud Cumar Faarax “Indhabuur”, wuxuu ku dhashay degmada Luuq sanadkii 1946, waana xaasle ayadoo taariikhda waxbarasho iyo shaqo ay ahayd sidan:

1971    Waxbarasho jaamacadda Al-Azhar, Qaahira Masar

Kulliyadda shareecada iyo qaanuunka.

1956 :      Barashada Quraanka Kariimka korunbood (Degmada Qansax Dheere)

1966:       Dugsiga sare Jamaal Cabdinasir(Allah)

1962 :      Dugsi hoose Dhexe Macadudiin

1971    Waxbarasho jaamacadda Al-Azhar, Qaahira Masar

1972     gudoomiyaha maxkamadda dagmooyinka Xarardheere iyo hobyo

1975     Garsoore maxkamadda racfaanka G.Banaadir

1979    Garsoore maxkamadda sare

1981    Gudomiye maxkamada Racfanka w. galbeed (hargaysa.)

1983    Agaasimaha waxda tababarada iyo tirokoobka wasarada Garsoorka

1985    Agaasimaha guud ee wasaaradda Garsoorka

1987-1990         xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka

1983-1990    Macallin kulliyadda Daraasaadka islaamka iyo luuqadda Carabiga  (jaamcadda ummadda soomaaliyeed.)

Laga soo bilaabo 1972-2004 wuxu ka qeybgalay shirar   calami ah iyo tababro .kuwo uu qaatay iyo qaar uu bixiyay  intaba.

Khibrad shaqo:  2003-illaa-hadda     Gudoomiyaha ururka sharciyaqanada Somaliyeed (SLS).

2003         wasiirka Garsoorka, Awqaafta iyo Arimaha Diinta.

Tababaro

Luqadaha .Somali. Carabi. English

Hiwaayad.

Aqrinta buugaagta iyo joornaalada

Dhageysashada  arrimaha siyaasada

Xirfadaha.

-Diyaarinta sharuucda

-Hormarinta arimaha la xariira karsoorka
-Isku keenida shareecada iyo qawaaniinta caalamika ah

-Aqrinta tafsiirka quraanka kariimka ah iyo fiqiga.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: