Gudoomiyihii Maxkamadda Sare ee dowladda KMG Soomaaliya oo goor dhow Muqdisho ku geeriyooday.

Halkaan ka akhri

Gudoomiyihii Maxkamadda Sare ee dowladda KMG Soomaaliya, Maxamuud Cumar Faarax (Indhabuur) Allahu Naxariistee ayaa habeenimadii xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta Muqdisho u sheegeen qaar ka mid ah Qaraabadiisa.

Gudoomiyaha  Maxkamadda  Sare, Eheladiisa waxaa ay sheegeen inuu maalmahaan oo dhan ku xanuun sanayay magaalada Muqdisho isla markaana geeridiisu ay salka ku hayso xanuunkaas.

Madaxda sare ee Dawladda KMG Soomaaliya ayaan weli war ka soo saarin, maadaama ay weli xilli hore oo subax ah u tahay magaalada Muqdisho, waxaase lagu wadaa in maanta si heer Qaran ah loogu Xabaalo Marxuumka magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: