Advertisements

Xildhibaanada Baarlamanka KMG Soomaaliya oo laga codsaday in ay ansixiyaan Xukuumada Cusub.

Halkaan ka akhri

Wakiilka gaarka ah ee Qramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Philip Mahiga ayaa ugu baaqay Barlamanka KMG Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyha badan u ansixiyaan golaha wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.

Ambassador Mahiga oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxaan aaminsanahay in Xukuumada cusub ay la imaan doonto isbadel ayna wax ka qaban doonto xaalada amaan ee dalka Soomaaliya, beesha caalamka iyo Qaramada Midoobeyna waxay ka codsanayaan dhamaan Xildhibaanada Barlamanka inay ansixiyaan Wasiirada cusub sida ay u ansixiyeen Ra’iisul wasaaraha si looga faa’iideysto waqtiga yar ee u haray dowladda KMG Soomaaliya”.

Si kasta ha ahaate hadalka ka soo yeeray  Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili ay Xildhibaanada Barlamaanka ay ku kala arigti duwanaadeen habka kalsoonida loo siinayo Xukuumada KMG Soomaaliya taasi oo keentay in shalay gacan ka hadal uu dhexmaro xildhibaanada ku kala qaybsamay ansixidda Xukuumada.

Sidoo kale Augustine Mahiga ayaa waxaa uu sheegay in looga baahanyahay Xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya inay joojiyaan is afgarawaaga u dhaxeeya ee ku aadan habka loo ansixinayo golaha wasiirada ee uu soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Mudane Augustine Philip Mahiga oo ka hadlayey waqtiga yare e u harsan Xukuumada KMG wuxuu yiri: “Waxaan ku qanacsanahay in haddii Barlamanku uu sida ugu dhaqsiyha badan u ansixiyo Xukuumada Cusub ay ka faa’iideysan doonto waqtiga yar ee haray, ma’ahan in aan waqtiga ku sii lumino muran iyo is jiid jiid balse waa in aan ka faa’iideysanaa si loo dar dar galiyo howlaha baaxada leh ee u yaala Barlamanka KMG Soomaliya”.

Dhanka kale  Wakiilka gaarka ah ee Qramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Philip Mahiga ayaa sheegay in dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ay aad ugu baahanyihiin mar uun in la dhiso gole wasiiro oo shaqeynaya, isagoo rajo weyn ka muujiyay in dowladda cusub ay diyaarin doonto tubta nabadda iyo soo celinta xasiloondii Soomaaliya.

Mudane Mahiga wuxuu ku cel celiyay codsigiisa ku aadan in golaha Barlamaanka ay u dedejiyaan ansixinta golaha wasiirada cusub, wuxuuna xusay in beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay ay sida ugu dhaqsiyaha badan u taageeri doonaan golaha wasiirada.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: