Advertisements

Xarakada Al-Shabaab oo maanta xukun Karbaash ah ku fulisay Wiil iyo Gabar aroos ahaa, Laba qof kalena toogtay.

Halkaan ka akhri

Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta siyaabo kala duwan Qisaas iyo Karbaash ugu fulisay afar dhallinyaro ah Magaalooyinka Jalalaqsi iyo Muqdisho, kuwaasi oo lagu eedeeyay falal isugu jiray Jaajuusnimo, Faraxumayn ciyaal  iyo Masaafo guur.

Magaalada Muqdisho ayay meel fagaare ah ku toogteen laba wiil oo yar yar kuwaasi oo midkoo lagu eedeeyay inuu jaajuus u ahaa Ethiopia, halka kan kalena lagu eedeeyay inuu fara xumeeyay ilmo da’yar yar, iyadoo labadaba lagu fuliyay qisaas toogasho ah, lana toogtay.

Dadkii garanayay wiilasha oo ay da’doodu aad u yareyd, ayaa sheegay in aysan falkaas shaqo ku lahayn, balse ay diideen in ay ka mid noqdaan askarta Al-Shabaab. Wiilashaas oo da’doodu ay ka yarayd 17 sano ayay la yaabeen sida ay macquulka ku tahay inay jaajuus u ahaayeen Ethiopia.

Dhanka kale Xarakada Al-Shabaab ayaa magaalada Jalalaqsi ku xakumay isla markaana ku dhuftay min 21 karbaash wiil iyo gabar aroos ahaa oo lagu eedeeyay in ay isku mehersadeen qaabka Masaafada oo Soomaalidu inta badan isticmaasho, Al-Shabaab ayaa dadkii iskugu soo baxay fagaaraha Karbaashka u sheegay in cidii lagu qabto iyagoo is masaafaystay laga qaadi doono talaabo taas la mid ah.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: