Advertisements

Qof Soomaali ah oo Saakay ay tuugo ku dishey xaafadda Islii magaalda Nairobi ee dalka Kenya.

Halkaan ka akhri

Qof Soomaali ah ayaa saakay waxaa tuugo ku dilay xaafadda Isli ee magaalada Nairobi, iyagoo Mindi kala dhaceen dhuunto, kadibna dhiig bax badan awgeed ugu naf waayey goobtii uu falkaas ka dhacay.

Sida ay sheegeen dadkii ka ag dhawaa goobta  uu ka dhacey falkaas ayaa si aad ah uga argagaxay, sidoo kale waxaa  la caddeeyey in wakhtiga falkaas uu dhacayey ayaa  ku beegnaa xili hore oo aroortii ah, kaasoo dadka intiisa badan ay hurdada ka soo tooseen, balse ay ku sugnaayeen  Guryahooda.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in Marxuumka la dilay  magaciisa lagu sheegay Cali Faarax Geedi  ayaa markii la dilayey wuxuu ku sii jeeday Garoonka diyaaradaha ee magaaladan Nairobi waxaana safarkaa ku wehliyey walaashiis, waxayna ku socdeen ee ay aadi lahaayeen magaalada Gaalkacyo  ee dalka Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa lagu soo warramay in goobta dilka loo geystay  marxuumka ayaa ahayd agagaarka dhismaha cusub ee  Al-Hayaad Plaza, waxayna dhowdahay  jidka Jaam Street, basle waxaan cadayn sababta ka danbeysa dilkaas, waxaase loo aaneynayaa fal dhac burcadnimo ah oo tuugada  ay ku doonayeen iney ku qaataan waxyaabaha ay wateen dadkan safarka ah.

Way iska caddahay in arrinta ay  muujineyso sida ammaan daridda ay ugu soo badaneyso maalinba maalinta ka danbeysa xaafada  Islii  oo sida aadka u deggan yihiin dadka soomaalida ee ka barakacay dalka dagaalada aafeeyey ee Soomaaliya, sidoo xaafaddan ayaa ah xaafadda ugu qashin badan oo caafimaadkeedu  halis ku ah dadka deegaanka, waxaana u sii dheer koronto xumo iyo biyo la’aan.

Xaafadda Isli ayaa ah  suuqa ugu weyn ee ku yaala magaalada Nairobi iyadoo dadka ka adeegta ay  isugu jiraan dad kala duwan, oo ka kala yimaada dalalka bariga iyo bartamaha Qaarada Africa.

Hase yeeshee maamulka Ganacsatada suuqa Islii ayaa dhowr jeer  u diray codsi ay kaga cabanayaan ammaan darrarada ka jirta xaafadda Islii, balse dowladda Kenya ay  ilaa iyo haatan wax jawaab ah ka bixin dhibaatooyin ka jira Xaafadda Isli oo ka sii daraysa. Taasoo ayaa ganacsatada ku  kaliftay in ay  diidaan bixinta canshuuraha.

Si kasta arrintu ha u dhacdee ma ahan markii ugu horeysay ee falal amni-daro ah ay ka dhacaan  xaafada Islii ee ku dhaqan dad badan oo Soomaali ah, hase yeeshee dhawaan ayey aheyd markii lagu diley wadada Seven Street qof Soomaali ah oo halkaasi ku lahaa goob ganacsi.

SomaliSwiss  Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: