Advertisements

kulan looga hadlayo Xaaladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo Maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in Madaxda urur Goboleedka IGAD ay maanta ku yeelanayaan magaaladaas kulan ay kaga hadlayaan xal u helida dagaalada ka socda magaalada Muqdisho iyo aftida loo qaadayo shacabka reer Suudaan.   Sida lagu soo warramay Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galaya dhammaan madaxda ku jirta urur goboleedka IGAD, waxaana la filayaa in looga hadli doono arrimaha Soomaaliya gaar ahaan ciidamada Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya ee AMISOM iyo sidii loo caawini lahaa  dowladda KMG Soomaaliya.
Maadaama Kulan loogu hadlayo arrimaha Suudaan ayaa waxaa la filayaa in uu kulanka ka soo qeyb galo Madaxweynaha dalka Sudaan Cumar Xasan Al Bashiir isagoo la doonayo inuu faah faahin dheer ka bixin doona Aftida loo qaadayo shacabka reer Suudaan.
Sidoo kale Madaxweynaha Kenya Mr Kibaki iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia ayaa si weyn madaxda ugu qaabilaya Magaalada Addis Ababa, waxaana furitaanka kulanka ugu horeyn diirada lagu saari doonaa Xaaladda Soomaaliya iyadoo xiligaasi kadibna loo gudbi doono Aftida dalka Suudaan.
Dhanka kale waxaa maalintii shalay ahayd magaalada Addis Ababa ee Xarunta urur goboleedka IGAD ku soo gaba gaboobay kulankii 38 aad ee Wasiirada arimaha dibada ee Urur goboleedka IGAD kuwaasi oo si weyn uga hadlay dhibaatooyinka gudaha dalka Soomaaliya iyo taageerada wali aysan helin Ururka Midowga Afrika.
Hase yeeshee Golaha wasiirada arimaha dibada ee Urur goboleedka IGAD ayaa isla soo hadal qaaday dhaqaalaha la siiyo ciidamada AMISOM iyagoo ugu baaqay beesha Caalamka in ay taageero buuxda siiyaan ciidamada AMISOM si loo keeno Soomaaliya ciidamadii kale ee loo balan qaaday in loo soo dirayo Soomaaliya.
SomaliSwiss Addis Ababa
SomaliSwiss@hotmail.com
Advertisements
%d bloggers like this: