Dagaallo iyo duqeymo xoogan oo xalay ilaa saakay ka dhacay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Dagaallo iyo Duqeymo Xoogan ayaa  maanta ka socda  Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, dagaalkan ayaa la sheegay inuu  u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya, iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xoogaga Mucaaradka, wuxuuna ka dhacay Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in labada Dhinac ee dagaalamaya ayaa is waydaarsanaya Hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo la sheegay in dagaalka uu dhinac socda madaafiic xoogan oo qeybo ka mid ah xaafadaha Muqdisho ay ku soo dhacayaan.
Hase yeeshee waxaa ilaa haatan la xaqiijiyay in dagaalkan  uu  ku dhintay 1 qof oo rayid ah,  6 qof kalena ay ku dhaawacmeen, madaafiic ku soo dhacday Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa habeenimadii  xalay laga seexan waayey qaar ka mid ah Xaafadaha Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho huugaanta iyo dhawaaqa Mdaafiicda, inkastoo  ay dadka hurdo la’aanta ku dhacday ay arkayeen hilaaca madaafiicda ay is waydaarsanayeen labada dhinac ee dagaalamaya.
Dhanka kale sida lagu soo warramay in saakay ay yara deganayd Degmada Boondheere a, waxaana xaafadda lagu  arkayay dadkii ku harsanaa oo hadal haya dagaalkii xalay iyo madaafiicdii ku soo dhacday degmadaas oo dad shacabka ah ay waxyeelo ka soo gaareen.
Si kastaba ha ahaatee, labada Dhinac ku dagaalamayey Degmooyinka Magaalada Muqdisho ayaa wali waxay isku horfadhiya goobihii ay ku dagaalamayeen.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: