Advertisements

Ciidamada Amaanka dalka Kenya oo Qab-qabtay Rag ajaaniib ah oo u socday inay ku biiraan Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Mombaaso ayaa  sheegaya in ciidamada Waddanka Kenya ay  Qab qabteen Rag ajaaniib ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen in ay u safraan dalka Soomaaliya, si ay uga qeyb galaan dagaalada ka socda dalka Soomaaliya.
Raggan oo tiradooda lagu sheegay in ay ahaayeen Ilaa 6 qof Ajaaniib ah oo looga shakisnaa in ay doonayeen in ay u safraan  dalka Soomaaliyda si ay  ugu  qeyb qaataan dagaalada halkaasi kasocda.
Warar kale ayaa  sheegay in 6-dan qof mid ka mid ah u dhashay dalka Nigeria, wuxuuna watay baasaboor Ingiriis ah, balse 5-ta kale ayaa la sheegay in ay u dhasheen waddanka  Kenya, waxayna  ka soo jeedaan dadka dega magaalada Mombasa.
Sarkaal ka tirsan ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa caddeeyey in  Raggan ay  qabqabteen,  iyagoo qorsheynaya in ay doon ka raacaan magaalada Mombaasa ee dalka Kenya si ay u gaaraan gudaha dalka Soomaaliya.
Sidoo kale, sarkaalkan wuxuu hadalkiisa raaciyay  in iminka ay hayaan cadeymo sheegaya in ay 6 qof ay qorsheenayeen  in ay ku biiraan xoogaga Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda Dowladda KMG Soomaaliya.
Dhanka kale ciidamada Ammaanka wadanka Kenya ee soo qab qabtay  raggan Lixda ah ayaa sheegay  in ilaa iyo haatan ay wadaan baaritaano la xiriira  arrinta raggan lagu soo eedeeyey, kadibna ay u gudbin doonaa Maxkamadda.
SomaliSwiss Mombaso
SomaliSwiss@hotmail.com
Advertisements
%d bloggers like this: