Roobabkii xilliga dayrta oo ka da’ay degmada Baardheere iyo deegaanada hoos taga..

Halkaan ka akhri

Inkasto magaalada Baardheere uu marayo Wobiga Jubba ayaa haddana waxaa  muddooyinkan danbe soo food saaray  Biyo la`aan xoogan ee  ka jirtay deegaano badan oo hoos taga Degmada Baardheere, hae yeeshee waa Alle mahadiis  waxaa ka Da`ay degmadaas iyo Nawaaxigeeda Roobabkii Xilliga Dayrta ah.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah Warbaahinta  Gobolka Gedo waxaa  roobab Mihigaan ah ay ka da`een nawaaxiga Degmada Baardheere, gaar ahaan deegaanada ka fog Wobiga oo ay ka jireen xaalad adag oo dhanka nolosha dadka iyo duunyadaba ah.

Sidoo kale, Deegaano aad u tira badan oo  ka mid ah Gobolka  Gedo ayaa baryihii la soo dhaafay ka taaganeen biyo la`aan xoogan iyo dhibaatooyin kale, iyadoo ay  dadka  u dhaan tagi  jireen goobo aad u fog meelha ay deggan yihiin.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Roobabka ka curtay Degmada Baardheere iyo Nawaaxigeeda ay soconayay muddo saacado ah, iyadoona dadkii biyo la`aanta ahaa ay ku diirsadeen Raxmada Alle uu siiyey ee ah biyaha roobabkaas.
Guud ahaan Bulshada ku nool Gobolka Gedo ayaa si aad ah uga farxay roobabka ay heleen, iyagoona biyo la`aan xoogan la soo kulmeen muddooyinkii la soo dhaafay.

SomaliSwiss Baardheere

SomaliSwiss@hotmai.com

%d bloggers like this: