Madaxweyne Sheikh Shariif Sh. Axmed oo maanta magaalada Muqdisho ka furay Madbacad samaysa Baasaboorada dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa maanta xariga ka jaray Madbacad loogu talagalay inay sameyso Baasborka cusub ee Soomaaliya, taas oo laga hirgeliayay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Shariif oo furitaanka Madbacadaas hadal kooban ka jeediyay kadib markii uu xariga ka jaray Madabacadaasi ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay helida Baasaboorka cusub ee Soomaaliya tanina ay fududeyneeyso in muwaadinka Soomaaliga ah uu si dhib yar u helo Baasaborka, isagoo u mahadceliyay intii dadaalka ku bixisay helida Madbacadan loogu talagalay sameeynta Baasaborka susub ee Soomaaliya.

Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha C/llahi Gaafoow oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay in la helo Madbacad noocan, wuxuuna sheegay in Muwaadinka Soomaaliga ah uu Baasaborka ku helayo wax aan ka badneyn sadex maalmood, haddii uu soo dalbado, waxaana uu hoosta ka xariiqay in laga baxay baahidii Baasaboor ee lagu daabici jiray dalka dibadiisa.

Sidoo kale Madabacada maanta laga furay Muqdisho ayaa la rumeysan yahay in ay dabooli doonto baahidii loo qabay Basaboorada, islamarkaasna ay dadweynaha ka bixi doono ciriirigii helitaanka Baasaboorka.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: