Ciidamo ka kala tirsan Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ku guuleystay in ay sugaan amaanka waddada ssku xirta Wanlaweyn iyo Buurhabaka.

Halkaan ka akhri

Waddada Isku xirta Magaalooyinka Wanlaweyn iyo Buurhabaka ee Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Bay ayaa sheegayaa in Ammaankeeda uu soo wanaagsanayo, kadib markii ay howlgallo burcad nadiifin ah ay ka sameeyeen Ciidamada ka kala tirsan Al-shabaab iyo Xisbul Islaam.

Howlgalo dhanka ammaanka ee lagu xaqiijinayey isu socodka gaadiidka iyo dadka dadka safarka ku mara waddadaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay kooxo burcad ah waddadaas ay jid gooye dhigteen si ay lacag baad ah uga qaataan, islamarkaasna ay ku waxyeelo uga geystaan dadka Musaafarka ah.

Howlgalkan oo dadka si aad ah uga riyaaqeen ayaa imaanayaan kadibl markii ciidamada Alshabab iyo Xizbul Islaam ay si  is daba joog ah uga sameeyeen howlgalo burcad safeyn ay ka fuliyeen waddadaasi, ayna ku guulestanaan in ay ka sifeeyaan kooxaha jid gooyada u tiilay halkaasi burcadda tuugada ah.

Baaburleyda waddadaasi ku safra ayaa dhibaatooyin xoogan kala kulma kooxaha burcada ah kuwaas oo dhibaatooyin xoogan u geystay dadka shacabka ah ee waddadaas isticmaala.

Hase yeeshee  waxaa la sheegay in Ciidamada Xarakada Al-shabaab iyo Xizbul Islaam ay howlgaladaasi ay ku soo qab qabteen tiro ka mid ah kooxaha brucada ah ee jidgooyada u tiilay waddadaasi, iyagoona sheegay inay ku sii daba joogaan kooxaha kala ee baxsaday.

Sidoo kale Safarleyda waddada isku xirta wanlaweyn iyo Buurhakaba ayaa si aad ah ugu farxay, una soo dhaweeyay howlgalada lagu sameeyey,  laguna sugayo  amaanka waddadaas, waana arrin si aad ah loogu riyaaqay ee farxad gelisay dadka ku safra waddadaas.

Si kasta ha ahaatee Milkiilayaasha Baabuurta noocyada kala duwan leh ee  isaga goosha waddada  isku xirta wanlaweyn iyo buurhabaka ayaa soo dhaweeyey arintaasi, waxayna sheegeen in ay iminka si nabad ah ay ugu safri karan waddadaasi.

SomaliSwiss Wanlaweyn

SomaliSwiss@hotmai.com

%d bloggers like this: