Waa side xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shalay ilaa Xalay ay ku dhinteen dagaalada joogtada ka noqotay magaalada Muqdisho dad gaaraya 15 qof oo rayid ah tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen duqeymo xalay la isku weydaarsaday qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kalana dagaalo goos goos ah ay ka socdaan waqooyiga Muqdisho.
Sida lagu soo warramay dagaaladii iyo duqeeyntii shalay galinkii danbe ilaa iyo xalay ka dhacayay degmooyinka Boondheere, Hodon iyo Hoowlwadaag oo u dhaxeyay ciidamada dowladada KMG ah ee Soomaaliya iyo xarakada mujaahidiinta Al shabaab ayaa waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay dagaaladaasi.Sidoo kale waxaa la sheegay inay jiraan madaafiic ku dhaceeysay meelo ka baxsay goobaha shalay ilaa xalay lagu dagaalamayay oo qasaaro ay ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuwaasi oo madaafiicdu ugu tagtay xaafadahooda.
Hase yeeshee meelaha aan lagu dagaalamin ee madaaficdu ku dhacday waxaa ka mid ah xaafada Maxamuud Xarbi ee degmada Wardhiileey, iyadoo halkaasi ay ku dhinteen ilaa 3 qof halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ahaa dad rayid ah.
Dhanka kale goobaha madaafiicdu xalay ay ku dhacday waxaa ka mid ah xaafada Towfiiq iyo isgooyska SOS oo ka kala tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee magaalada Muqdisho, waxaana madfac ku dhacay isgoyska SOS ku geeriyooday 8 rqof halka 14 kalena ay ku dhawaacmeen oo u badan arday wax ka baraneesay meel aan sidaas uga fogeeyn halka madaaciicdu ay ku dhacday.
Sida uu sheegay Mas’uulka uga sarreeyo Hay’adda gurmadka degdegga ah in ay qaadeen dhaawacyo garaaya 19 qof oo rayid ah oo ay ka kala qaadeen degmooyinka Hodon, Howlwadag, Wardhiigleey, Yaaqshiid iyo Huriwaa ee gobolka Banaadir.
Hase yeeshee waxaa saakay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ka socda Dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab, balse  dagaalada maanta ka socda magaalada Muqdisho oo ay duqeeyntu wehliso ayaa waxaa khasaaraha ugu badan uu ka soo garaa dad rayid ah, waxaana dagaaladan ay ku geeriyoodeen dad garaya 11 qof halka dhaawacana uu gaarayo 20 kale, waxaana goobihii lagu dagaalamay saakay laga maqlayaa rasaas teel teel ah oo ay isku ridayaan dhinacyada dagaalamay.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: