Kooxo hubaysan oo magaalada Boosaaso ku dilay Suldaan Ciise Xasan Cumar.

Halkaan ka akhri

Kooxo hubaysan oo aan haybtooda la garanaynin ayaa xalay magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ku dileen mid ka mid ah Suldaanada ugu caansan Magaaladaasi, waxaana ciidamada amaanka ee Puntland ay howlgalo ka wadaan lagu raadinayo raggii falka dilka ah geystay.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa naga soo gaaraya warar sheegaya in rag hubaysan ay xalay magaaladaas  ku dileen Suldaan Ciise Xasan Cumar xili uu ka soo baxay Masjid kuyaala Magaalada Boosaaso isagoo ku sii jeeday guriga uu ka deganaa Magaaladaas, sidoo kale  kooxaha hubaysan ayaa la soo sheegay inay isaga carareen goobta ay suldaanka ku dileen.

Hase yeeshee in yar kadib waxaa halka uu falkaas ka dhacay soo gaaray ciidamada Amaanka ee magaalada Boosaaso, waxayna halkaasi ka bilaabay howlgalo lagu baadi goobayo kooxihii falkaasi geystay bale waxaa saaka la sheegay in ciidamadu aysan xalay ku guuleysan inay ragaasi gacanta ku soo dhigaan.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in saakay Magaalada Boosaaso ciidamadu ka wadaan baaritaano xoogan oo lagu daba-galayo kooxihii falkaasi dilka ah ka dambeeysay.Si kasta arrintu ha u dhacdee ilaa haatan ma jirto cid ka tirsan Maamulka Gobolka iyo kan degmada oo ka hadashay dilka xalay Magaalada Boosaaso loogu geystay Suldaan Ciise Xasan Cumar

SomaliSwiss Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: