Dowladda Canada oo sheegtay inay dagaal qarsoodiya la gashay Xarakada Al-Shabaab ugana guulaysatay.

Halkaan ka akhri

Dowladda Canada ayaa Sheegtay inay uga guulaysatay Xarakada Al-Shabaab dagaal qarsoodi ahaa oo in muddo ah ay wadday dowladda dalka Canada.

Sirdoonka dowladda Canada ayaa sheegay in markii Gobolka Minesota ee dalka Maraykanka laga waayay labaatameeyo dhallin yaro Soomaaliyeed ahaa oo dib ugu noqday dalka Soomaaliya si ay uga bar bar dagaalamaan xarakada Al-Shabaab ay Halkaasi uga muuqatay dowladda Canada, qatar wayn oo ku wajahan dalkooda oo ay degan yihiin Soomaali fara badan.

Sir doonka Dowladda Canada ayaa sheegay in ay qaadeen  dagaal Qarsoodi ahaa,  oo dhallinyarada Soomaaliyeed ee reer Canada looga weecinayay inay u Jihaad tegaan dalka Soomaaliya, iyadoo la adeegsanayo Wacyi gelin,si aysan qaab fudud oo ay ku maskax geddiyaan u helin Dulaaliinta Al-Shabaab ee reer galbeedka wadamadooda ka  dira dhallinyarada Soomaalida si ay uga mid noqdaan Xarakada Al-Shabaab.

Dowladda Canada oo kaashanaysay Soomaalida reer Canada, isla markaana gacan wayn ka helaysay qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa sheegtay inuu miro dhalay, waxaana la sheegay inuu guulaystay qorshihii sirdoonka Canada, sida ay ku warameen kooxo u ololeeya Soomaalida.

Hay’adda Saaxiibada Canada ee Soomaalida ayaa ugu baaqday, Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay isticmaalaan, farsamadaas, si looga hortago, inaysan dhicin in Al-Shabaab ay fursad maskax doorin ah u helaan dhallinyarada.

Inkastoo Al-Shabaab hore ugu guulaysteen, inay dhallinyaro Soomaaliyeed ka kaxaystaan Maraykanka iyo Canada ayaa hadana Hay’adahaasi sirdoonku waxay muujiyeen inay ku tilaabsadeen guul la tilmaami karo, inkastoo ay cadeeyeen inay weli aad u foojigan yihiin, welina wadaan dadaallo kala duwan.

Somali Swiss Toronto
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: